Hangoolnews.com
Obama:Tallaabo ayaan ka qaadi doonaa Ruushka
December 16, 2016 - Written by Hangool

Madaxweyanaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa wacad ku maray inuu tallaabo adag ka qaadi doono Ruushka oo lagu eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay ololihii doorashadii madaxtinnimada Mareykanka.

“Waxaa loo baahanyahay in aan tallaabo qaadno, waana qaadi doonaa”, ayuu yiri madaxweyne Obama oo la hadlayay idaacadda NPR oo laga leehay dalka Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu u jabsaday eemeelada xisbiga Dimuqraadiga iyo mid kamid ah shaqaalaha aad ugu dhaw Hillary Clinton. Moscow ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi.

Madaxweynaha la doortay ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa sidoo kale eedeymahaaasi ku gacanseyray waxuuna ku tilmaamay kuwo “macno-darro ah” dano siyaasadeedna laga leeyahay.

Hay’adaha sirdoonka ayaa sheegay inay hayaan cadeeymo muujinaya in kuwa u jabsaday interneetka Dimuqraadiga la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin xukumadda Moscow.

Sirdoonka USA: ‘Ruushkaa faragelin sameeyay si uu u sare ugu qaado Trump’

Mareykanka oo Ruushka u diiday in uu kormeero doorashadiisa

Muran soo kala dhex galay Trump iyo saraakiil sarsare

Maalintii Khamiista ayaa nin u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku lug lahaa weerarada dhanka Internet-ka ee lagu soo qaaday ololaha doorashada Mareykanka.

Saacado ka dib, Mr Obama ayaa yiri ” waxay ila tahay in uusan shaki ku jirin marka dowlad shisheeye ay isku daydo in ay soo farageliso hanaanka doorashadeena, in loo bahanyahay in aan tallaabo qaadno waanna qaadi doonaa, marka la gaaro wakhtiga iyo goobta munaasabka”.

Obama ayaa sidoo kale sheegay in Mr Putin uu ogyahay sida uu dareemayo madama ay arrintan uga wada hadleen si toos ah.

COMMENTS
Latest News