Hangoolnews.com
Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Hormuud U Noqotey Midaynta Mab’da’a Soomali Wayn Iyo Kulamo Ciyaareed Xidhiidh La Leh Oo Ay Ku Qabatay Dalka.
December 3, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa hormuud u noqotay Midaynta Midnimadii mab,da,a Soomali wayn ee la soo gabo gabeeyey 18 kii may 1991 dii.

Waxaana gudaha Somaliland todobadyadii ugu dambeeyey ku sugnaa Koox dhalinyaro ciyaartoy ah kuwaasi oo ka yimi dalka Austareliya iyaga oo kulamo ciyaareed ku soo kala ciyaaray dhamaanba maamul goboleedyada dalka Somaliya iyo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyada oo ay xusid mudan tahay in ay yihiin dhalinyaro Soomaliyeed oo qurbo joog ah.

somaliya-iyo-somaliland

Kooxdan oo kulamadooda ciyaaraha loogu magac daray ciyaaraha Nabada Somaliya ayaa waxa ay dhawaan kulamo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ay ku kulmeen Kooxda ku ciyaarta Magaca Wasaaradda Xanaanada Xolaha Somaliland kulankaasi oo ku soo dhamadaay 1 iyo 0 Guushu ku raacday Kooxda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland.

Dhanka kale waxay kulan kale isku arkeen Garoonka Hargeysa Stadium kooxda horyaalka Kubada Cagta Somaliland ee Xulka Gobolka Awdal taasi oo ciyaartaasi ku so idlaatay 3 iyo 2 ay guushu ku raacday kooxdii ka socotay Austareliya eek u ciyaaraysay magaca Soomali wayn.

Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa dalka ku soo dhaweeyey kooxdan iyada oo ay xusid mudan tahay in koox ka socotay Somaliland gaar ahaan kooxda Kubada Kolayga oo ciyaaraha bariga iyo badhatamaha Africa ka qayb gashay horaantii sanadkan ay ka codastay kooxdii ka socotay Somaliya in ay kulan saaxiibtinimo la ciyaaraan balse arinkaasi waxa ka diiday kooxdii ka socotay Somaliya oo qiil uga dhigatay in ay yihiin hal dal oo isku mid ah Somaliland iyo Somaliya wax ciyaar ahna ayna yeelan karayn mar hadii ay yihiin dal kaliya waa sida ay aamisan yihiine.

Balse arinka haatan ee kooxdan ku ciyaaraysa Magac midnimada iyo Soomali wayn ee ay Wasaaraddu dalka ku soo dhawaysay ayaa dhabar jab ku ah mudnimada Qaranka Somaliland maadaama ay kooxdani ku ciyaarayso magaca Somaliya oo mid ah ujeedaddooduna tahay sidii la isku dhex gali ahaa dhinaca bulshada iyo dhalinyarada waxaaa ciyaaraha ay ciyaarayaan loogu magac daray Koobka Nabada Somaliya oo mid ah..

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News