Hangoolnews.com
Ra,Iisal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Ayaa Eedo Kulul Ujeediyay Madaxweynaha Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
August 30, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews.com:—Ra,iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamad Cabdilaahi Farmaajo ayaa eedayn kulul u soo jeediyay madaxda sar sare ee dawlada Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Juwaari.

Waxaau Farmaajo sheegay in wakhtigan xaadirka ah ee kala guurka lagu jiro in Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanku ay faro galin kula jiraan liiska odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo ay tiradoodu dhan tahay 135 horena laysugu raacay.

Waxaanu Farmaajo xusay in Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanku ku soo dareen odayaal ay iyagu wataan liiska isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “Xiligan oo kale looma baahna musuq maassuq sababto ah waxaa lagu jiraa wakhti kala guura, waana ayaandaro in liiska odayaasha dhaqanlka ee lagu hishiiyay lagu soo daro, odayaal cusub oo sifo sharciga baalmarsan lagu keenay”

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Muqdisho/Soomaaliya

COMMENTS
Latest News