Hangoolnews.com
Faysal Cali Waraabe Iyo Cali Khaliil Galaydh Oo  Imaaraadka Ku Kulmay Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wadda Hadlayaan,
August 30, 2016 - Written by Hangool

 

 

Hangoolnews:- Warar Hoose Oo Ay Helayso Shabakada Hangoolnews Ayaa Shaaca Ka Qaadaya In Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Iyo Madaxwaynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Ay Ku Kulmeen Magaalada Dubai Ee Imaaraadka Carabta.

Waxaana Kulankoodani Ka Dambeeyaya Ka Dib Markii Wada-Hadalkii Somaliland Iyo Khaatumo Uu Soo Kala Dhexgalay Mad-Madaw Is Fahan Aan Buurnayni.

Faysal Cali Waraabi Ayaa Maalintii Daraad Ahayd U Dhoofay Magaaladaasi Dubai Ka Dib Markii Cali Khaliif Uu Ka Codsaday Faysal Cali Sida Ilo Xogogaali U Sheegeen Halngoolnews Uu Kulan Gaara La Qaato Cali Khaliif Oo Isa Dubai Ku Sugan.

umad1111114444

“Waxaan Doonayaa In Aad Wax Ka Ogaato Wadda-Xaajoodaka Noo Dhaxeeya Anaga Iyo Soomaliland” Sidaasi Waxaa Yidhi Madaxwaynaha Khaatumo Cali Khaliif Calaydh, Mar Uu Khadka Mobile-Ka Gacanta Kula Soo Hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucud.

Geesta Kale Kulanka Ayaa Lagaga Doodayaa Sii Loo Xoojin Lahaa Wada-Hadalada Somaliland Iyo Khaatumo.

Dhinaca Kale Cali Khaliif Ayaa Si Odaynimo Ah Mudooyinkii Dambe U Wadday Sidii Loo Heli Lahaa Is-Afgarasho Lagu Unko Nabad.

COMMENTS
Latest News