Hangoolnews.com
Daawo:- Muuse Biixi Cabdi Oo Qirtay Haddalada Deel-Qaaf Ka Ah Ee Ka Dhac Dhaca Iyo Warbaahinta Oo Uu Ku Canaantay Fidinta Hadaladiisa Noocaas Ah.
August 29, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa xilli uu maalintii shalay ahayd ka hadlaayay xafladii xil wareejinta Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland waxa uu eedaymo kala duwan dusha u saaray warbaahinta Somaliland dhalinta ka hawl gasha.

Biiix

Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Kulmiye oo allaaba lagu yaqaano hadalo aanu u meel dayin oo uu inta badan warbaahinta ka yidhaahdo ayaa waxa uu qirtey in ay jiraan hadalo uu yidhaahdo oo ka dhac dhaca isla markaana lagu canaanto marka uu tago gurigiisa ama xafiiska,kaasi oo ay warbaahinta si waafi ah usoo gudbiso.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu dhan kale warbaahinta usoo jeediyey in ay u meel dayaan hadaladiisa isaga oo ugu baaqay in aanay baahin khudbadahiisa noocaas ah ee ay ka taliyaan Aayaha Somaliland maadaama oo la dhisaayo qaran aan wali la aqoonsan.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkaasi

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
Latest News