Hangoolnews.com
Cali Guray Oo Madaxweynaha Ku Amaanay Midaynta Bulshadda Somaliland
August 29, 2016 - Written by Hangool

 Hangoolnews.com:— Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID, Mr. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ku amaanay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo sida uu u mideeyay shacabka Somaliland bari iyo galbeed iyo sida uu wax uga  qabtay tabashooyinkii soo jiitamayay ee ay sheegan jireen beelaha goballada bari.

Cali Guray oo shalay u waramayay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay in dadweynaha goba;lada bari ay ka qeyb gali doonaan doorashooyinka soo socda, madaama oo ay qaateen diwaan-galinta codbixiyayaasha ee ka socota gobalka Sool.

“Marka aynu ka hadlayno siyaasada gudaha ee Somaliland waxa rajadu ka muuqataa ee u wanaagsani waxa weeye beelihii bariga Somaliland oo mudadaa kow iyo labaatanka sanadood ah ee ay jirtay Somaliland khilaafkii u dhaxeeyay uu soo u rurayo, waxa kale oo taa dheer iyadoo markii u horraysay ay ka qayb gali doonaan doorashooyinka soo socda si aanay waligood uga qayb galin, taana waxa astaan u ah sida ay uga qayb qaadanayaan diwaangalinta codbixiyayaasha ee ka socota gobalka Sool, markaa Somaliland oo mida way soo muuqataa waxaanay noqonaysaa mid taariikhda u gali doonta madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaayo,” ayuu yidhi Cali Guray.

Cali Guray waxa uu tilmaamay in aanay haboonan in jiijiito madaxweyne silaayo,waxaana uu sheegay in madaxweynaha ay ka go,an tahay in doorashooyinku wakhtigoodii ku qab soomaan.waxaana uu yidhi“Madaxweyne Silaayo oo Inter Peace la kulmay ayaan arkayay waanu cadeeyay madaxweynuhu in aanay jirin doorasho dib loo dhigayaa wasiirka madaxtooyaduna mar walba oo uu hadlo isaguna wuu ku celiyaa in doorashadu wakhtigeedii ku dhacayso,waxaanu arkayaa in aanay haboonan in la jiijiito madaxweynaha ee uu sida uga quruxda badan uu ku dhamaado inta uu xilka hayay madaxweyne silaayo,taas oo aan runtii aad u soo dhawaynayo kalana shaqaynayo,”ayuuyidhi Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).

Mujaahid Cali Guray waxa kale oo uu jawaab adag ka bixiyay haddalo dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya, oo iska in dho-tiray xasuuqii dawladii Siyaad Barre u gaysatay dadka Somaliland, waxaana uu yidhi “Waxa aan la qaadan karin oo aan la liqi karin nin ka yidhi madaxweyne ayaan ahay isaga oo madaxweyne ahayn ee aynu ognahay in uu gurigiisii magan ku yahay, ee Yugaandhiis iyo Ruwaandiis gurigiisa ku dhex ilaaliyaan ee uu ku dhashay oo meel uu xukumo oo Soomaaliya ahi aanay jirin ee yidhi majirto Soomaali oo dhan cid Cali Samatar waxa ka tirsanaysaa, hadalkaa oo been ah waxa uu ogyahay Xasan Sheekh in 15 sano Cali Samatar maxkami uga  socotay Maraykan, markaa ninkaa xumaanta wada ee wax uu uga jeedo aan la garanan laakiin aan u arko in ay ka tahay nacayb iyo xumaan uu u qabo dadka reer Somaliland,  Cali Samatar alle ha, u naxariistee waxa uu ka mid ahaa ragii inqilaabay dawladii rayidka ahayd, shakhsi ahaana dadka wax dulma ee la neceb yahay muu ahaan jirin, saraakiisha milatariguna waxa ay qireen in uu ahaa nin milatarinimada ku wanaagsan.”

“Wixii ka dhacay magaalada Hargeysa sannadkii 1988-kii, waa la ogaa konton kun oo qof oo boqol iyo toddoba iyo sagaashan yihiin dad rayida ayaa ku dhintay, anigu ma qabo in Cali Samatar shakhsiyan uga masuul ahaa ee waxa aan qabaa in rajiimkii dalka ka talinayay Soomaaliya in uu ka masuul ahaa waxa dhacay”

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
Latest News