Hangoolnews.com
War Deg Deg ah:-Maayir Ku Xigeenka Caasimadda Hargeysa Oo Koox Shufto Usoo Adeegsaday Si Loo Wax Yeeleeyo Saxafi Ka Hawlgalla Magaalada Hargeysa.
August 28, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa C/casiis Maxamed Xaashi (Cagowayne) ayaa waxa uu habeenkii xalay ahaa soo abaabulay koox shufto ah kuwaasi oo uu ugu talo galay in ay weerar ku qaadan Tifatiraha Shabakada Wararka Wararka Barkulannews.com, Ex Daadmadheedhnews,

sad

Kooxdan uu soo diray maayarka ku xigeenka caasimada Hargeysa ayaa waxa ay xalay gaaf wareegay xarumaha kala duwan ee Warbaahinta gaar ahaan Dhismaha iyo goobaha kala duwan ee ay ku caweeyaan Warbaahinta ka hawl gasha Magaalada Hargeysa

Shirqoolkan dhagaraysnaa ee uu C/casiis Cagowayne soo diyaariyey ayaan suuro galin ka dib markii ay warbaahintu ogaatay in qaar ka mid ah Shuftadaasi oo sita Sawirada Wariye Maxamed Aadan Seed oo ay ka dhex raadinayeen goobaha kala duwan ee ay Warbaahintu iskugu timaado,iyada oo lagu war galiyey in uu iska jiro kooxdaasi raadsanaysa.

Arintani ayaana ka danbaysay ka dib markii uu maayar ku xigeeenka Caasimadu dhibsaday Maqaal uu ka qorey Maxamed Aadan Seed kaasi oo maqaalkaasi kaga hadlay xilka uu hayo iyo dayacnaanta ka muuqata degmooyinkii uu ka soo baxay Maayar C/casiis Cagowayne.

Dhacdadan uu ku kacay maayar ku xigeenka socod baradka ah ee Caasimada Hargeysa ayaa noqotay mid la yaab ku noqotay warbaahinta ka hawl gasha caasimad Hargeysa,iyada oo maanta si wayn looga hadal hayay xarumaha kala duwan ee Magaalada Hargeysa.

Geesta kale waxa ay si wayn warbaahinta Somaliland uga cadhootay ficilka foosha xun ee uu bilaabay Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa,waxaanay sheegeen in ay sharciga ka xigaan talaabadan ku dhamaatay in C/casiis Cago wayne uu ahaa Aabaha ka danbeeyey abaabulkaasi la isku dayayey in wax lagu yeelo Wariye Maxamed Aadan Seed Tifatiraha Shabakada Barkunnews Ex DaadMadheedh.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News