Hangoolnews.com
Kullan Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Arrin Muhiim u Ah Musharaxiinta U Sharaxan Doorashooyinka 2016 Ka Oo Ka Soo Baxay.
August 28, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxa maanta ka dhacy kulan dhex maray Wasiirka Amniga Somaliya iyo Gudida sugida amaanka doorashooyinka Somaliya,

Gudidan amaanka doorashooyinka oo uu gudoomiye u yahay taliyaha Ciidanka Booliska MAxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxa ay wasiirka kala hadleen sidii loo sugi lahaa amaanka musharaxiinta ka qayb galaysa doorashooyinka Somaliya oo dhamaantood iman doona Magaalada Muqdisho .

Wasiirka iyo gudigan ayaa dhan kale isla meel dhigay sidii loo samayn lahaa cid gacanta ku haysa amaanka musharaxiinta tan iyo inta inta laga gaadhayo dhismaha dawlada cusub ee xilligaasi la dooran doono.

Ugu danbayn gudidan amaanka dorashooyinka ee dhawaan uu Raysal Wasaare Sharmaake magacabay iyo Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay siguda amaanka musharaxiinta si ay gudaha dalka uga bilaabaan hawlahooda olalaha.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay dalka ku soo qul qulayaan musharaxiinta kala duwan ee ka qayb galaya doorashooyinka la filaayo in ay dhawaan ka dhacaan dalka Somalia.

Hangoolnews.com

Muqdisho/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News