Hangoolnews.com
Abwaan Xasan Saleeban Dhuxul (Labsalax) Oo Sheegay Inuu Ka Baxay Kooxda Xidigaha Geeska.
August 28, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:—Abwaan Xasan Dhuxul oo ahaa Gudomiyihii Hore ee Kooxda Xidigaha Geeska ayaa Sheegay inuu ka baxay oo sidaana waxa uu kaga hadalay Qoraal U Soo Dhigay Barta uu Ku Leeyahay Face Book

“Xidigaha Geeska Ma jecli inay Dib u dhacaan, inay Horumaraan Moooyee, waayo Ninkii Magaca Wayn Ee Xidigaha bixiyayba waa Aniga,

Hadana Markaan eegay arimo badan darteen Waxaan Go,aansaday inaanan ka Sii Mid ahaan

Hadaan Xidigaha ka Baxayna Macnaheedu maaha inaan Fankii ka baxay

Markasta waa saaxiibaday

Markastana waa walaaladay

Kuwaan magaca ku dhex yeeshayna waa iyaga,”

Hadana waxaan isku Qanciyay inaan noqdo Saaxiibkood oo Dibada ka jooga Xumaan Li,i

Allaa Mahad Leh

xasan Dhuxul

COMMENTS
Latest News