Hangoolnews.com
Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Qorshe Cusub La Damacsan Cali Khaliif Galaydh.
August 27, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Madaxwaynaha maamulka puntland C/wali Maxamed Cali gaas ayaa wararku sheegayaan in uu wado qorshe uu ku burburinaayo go,aankii hogaamiyaha maamulka khaatumo uu ku qaadacay doorashooyinka Somaliya.

GAAS-IYO-GALAYDH

C/wali gaas ayaa la sheegayaa in uu diyaarinaayo gudi wadahadalo la furta maamulka Khaatumo gaar ahaan madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo iyo gudoomiyaha Barlamaanka Khaatumo si uu meesha uga saaro go,aankii Cali Khaliif uu ku qaadacay Doorashooyinka 2016.

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa hore u diiday qorshe lagu raali galinaayo Cali Khaliif kaasi oo ahaa in Kuraas dheeri ah laga siiyo maamulkiisa barlamaanka iyo xubnaha aqalka sare ee Somaliya.

Go,aanka Gaas ayaa ka danbeeyey ka dib markii odayaal ka so jeeda beesha Cali Khaliif oo ka cadhaysan wadahadalada Somaliland u la furaayo Galaydh ay kulamo gaar ah la yeesheen madaxwaynaha maamulka puntland.

Gaas ayaana haatan uu qorshihiisu yahay sidii uu Madaxwayne Cali galaydh ugu soo diri lahaa Ergo dhex dhexaadin ah, dhanka kale maamulka Garoowe ayaa si wayn uga soo hor jeeda wadahadalo ay la furan maamulka Khaatumo Xukumada Somaliland taasi oo ay u arkaan arin dhabar jab ku ah maamulitaanka gobolada ay labada dhinac ku muran san yihiin ee Sool,Sanaag iyo Buuhoodle.

Hangoolneews.com

Laascaanood/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News