Hangoolnews.com
Wasiir Arimo Guddeed Oo Dil Fool Xun Loo Gaystey Dalka Bolivia.
August 26, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Warbaahinta Caalamka ayaa siyaabo kala duwan u baahisay in la khaarajiyey mid ka mid ah wasiir ku xigeenkii dhinaca amaanka ee wasaarada arimaha gudaha dalka Bolivia Mr Radolfo Illanse.

Boli

Wasiirkan ayaa waxa khaarajiyey koox ka mid ah macdan qodayaasha dalkaasi kuwaasi oo marka hore u gaystey Radolfo afduub ay in mudo ah u haysteen,

Xukumada Dalka Bolivia ayaa sheegtay in la dilay wasiirkaasi isla markaana loo dilay si waxashnimo ah oo ka baxsan bini aadanimada ayna la yaabeen cida ku kacday falka noocan ah,

Dhan kale dawlada Bolivia waxay sheegtay in ay xilli danbe ogaatay dilka wasiirkeeda maadaama uu mudooyinkii ugu danbeeyey ku mashquulsanaa shaqada xafiiskiisa oo aad u mashquul ahayd,

Faah faahin dheeraad ah wali kamay bixin oo intaasi dhaafsiisan dawlada Bolivia marka laga reebo in ay sheecisay dhimashadiisa iyo sida loo dilay

Hangoolnews.com

Hargeysa/Offfice

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News