Hangoolnews.com
Nin Maydka Xaaskiisa Oo Geeriyootey La Lugeeyyey 12KM, Sababta Ku Kaliftey Iyo Halka Ay Ka Dhacday+Sawiro
August 26, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Warbaahinta Caalamka ayaa si wayn u hadal haysa nin u dhashay dalka Hindiya oo maydka Xaaskiisii oo geeriyootey degta ama dusha ku sitey qitaas dhan 12 KM.

Ax

Ninka ayaa warbaahinta u sheegay in uu awoodii waayey in uu gaadhi ku qaado si uu u gaadhsiiyo tuuladii uu ka yimi si halkaasi loogu aaso isaga oo sheegay in ay u dhimatay cudurka Qaaxada ama TB,da.

Gabadhan uu Ninkeedu degta ku qaaday maydkeeda mudo 12km ah ayaa waxa magaceeda la yidhaa Dana Majhi’s, cudurka qaaxadana ugu geeriyootey cusbitaalka tuulada Bhawanipatna da,deeduna ay ahayd 42 jir.

Maamulka Cusbitaalka Magaalada Bhawanipatna ayaa dhinac iskaga fogeeyey eeda uga timi ninka ay xaaskiisu ku dhimatay ee ku eedeeyey masuuliyiinta cusbitaalka in ay siin waayeen gaadhi Ambalas ah si uu maydka xaaskiisa u gaadhsiiyo tuuladii uu ka yimi.

Dhacdadani ayaa waxa si wayn looga hadal hayaa dalka Hindiya iyada oo dhanka kale ay si wayn u qaadaa dhigtey warbaahinta caalamka,

waxyaabaha ugu badan ee la is waydiinaayo ayaa ah sababta ay dadkii tuulada ay gabadhu ku dhimatay u caawin waayeen ninkan magaladoodii kala soo baxay mayd isaga oo degta ku sita.

Hargeysa/Office

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News