Hangoolnews.com
Cristiano Ronaldo Oo Ku Guuleystay Xiddiga Qaarrada Yurub
August 26, 2016 - Written by Hangool

Sports:—Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay xiddigii ugu fiicnaa qaaradda Yurub xili ciyaareedkii hore.

Ronaldo oo isku sawiraya koobkii Champions League ee uu la qaaday Real Madrid

Ronaldo oo ay la tartamayeen ciyaartoyga ay isku kooxda yihiin Gareth Bale iyo Antoine Griezmann ayaa markii labaad loo doortay inuu yahay xiddigii ugu fiicnaa kadib markii uu kooxdiisa Real Madrid u qaaday tartanka Champions League iyo xulka qarankiisa Portugal oo uu kula guuleystay tartankii qaramada Yurub ee Euro 2016.

Cristiano Ronaldo oo abaalmarintan hore ugu guuleystay 2013/14, ayaa farxad ku soo galay garoonka, isla markaana dhoolla-caddayn iyo qiiro ku guddoomay markii loo dhiibay abaalmarinta xiddignimada.

Ronaldo oo isku sawiraya koobkii Champions League ee uu la qaaday Real MadridRonaldo oo isku sawiraya koobkii Champions League ee uu la qaaday Real Madrid

Xili ciyaareedkii dhamaaday, waxa uu kooxdiisa u ciyaaray 12 kulan oo ka tirsan Champions League, waxaanu dhaliyey 16 gool iyo 4 uu ka shaqeeyey. Horyaalka La Liga, 36 ciyaarood ayuu saftay 35 gool ayaanu u dhaliyey, iyadoo ay u dheerayd 11 gool oo kale oo uu caawiye ka ahaa.

Euro 2016, waxa uu waddankiisa Portugal u ciyaaray 7 kulan, saddex gool ayuu u dhaliyey saddex kalena caawiye ayuu ka ahaa.

Cristiano Ronaldo oo u dabbaal-degaya koobka YurubCristiano Ronaldo oo u dabbaal-degaya koobka Yurub

Rikoodhkii Ronaldo dhigay xili ciyaareedkii tegay iyo hiigsigiisa.

Waxa uu noqday ciyaartoygii ugu goolasha badnaa taariikhda Real Madrid ee La Liga.

In ka badan 500 gool ayuu u dhaliyey waddankiisa iyo kooxaha uu u ciyaaray.

Waxa uu noqday ciyaartoygii taariikhda ugu goolasha badnaa Real Madrid.

Waxa uu dhaliyey goolashii ugu badnaa ee Champions League ee marxaladda Groups-ka.

Messi ayuu ku xigaa hanashada abaalmarinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Kaalinta labaad ayuu kaga jiraa gool-dhalinta ugu badan horyaalka LaLiga, waxaana ka horreeya Messi.

Wuxuu dhaliyey goolkii ugu dambeeyey ee go’aamiyey in Real Madrid ay ku guuleysato Champions League markii 11aad.

Xiddiga ugu goolasha badan UEFA Champions League xili ciyaareedkii 2015/16.

Waa ciyaartoyga ugu safashada badan xulka qaranka Portugal.

Goolkii ugu qurux badnaa ee Yurub ayuu helay.

Afar tartan oo Euro ah ayuu goolal ka dhaliyey.

 

COMMENTS
Latest News