Hangoolnews.com
War Dag Dag Ah:-..Shir-Waynahii Xisbiga Waddani Oo Uu Dib U Dhac Ku Yimi Iyo Sababaha Loo Aanaynayo.
August 25, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-..Warar Xog Ogaal Ah Oo Ka Baxaya Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Isla Markaana Looga Qaateen Ah Waxa Ay Sheegayaan In Dib U Dhac Uu Ku Yimi Shirwyanahii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani Oo Loo Balasanaa In Uu Dhaco 01.10.2016 Ilaa 02.10.2016.

Dib U Dhacan Ku Yimi Shirwaynaha Xisbiga Ayaa Lagu Sababaynayaa Isa-Soo Gaadh Ku Yimi Maalintii Loo Qoondeeyey In Uu Qabsoomo Shirwaynaha Golaha Dhexe Ee Waddani Iyo Diiwaan-Galinta Cod-Bixiyayaasha Oo Isku Soo Beegmay

Geesta Ka Le Warar Hoose Ayaa Sheegaya In Xisbiga Waddani Uu Hormood U Yahay Gudoomiye Uu Tahli-Waayay In Uu Qabto Shirkan Halka Wararka Qaarna Ay Tibaaxayaan In Cirro Ka Cabsi Qabbo In Uu Shirwaynahan Uu U Arko In Uu Ku Soo Dag-Dagay Uu Ku Abuuri Karo Kala Jab-Siyaasadeed Oo Ku Yimaada Guddaha Xisbiga Waddani.

Shirweynahan Ayaa Waxa Lagu Soo Dooran Doona Musharaxa Madaxweyne Iyo Ku Xigeenkiisa Ee Xisbiga Uga Qeyb Gali Doona Doorashooyinka Sanadka 2017  La Filaayo In Ay Dalka Ka Qabsoomaan Waxaana Tartan Xoogani Ka Dhex Curtey Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Gobalka Awdal Oo U Ordaya In Ay Qabtaan Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani

COMMENTS
Latest News