Hangoolnews.com
Meydka Marxuum Maxamed Cali Samatar oo maanta la keenayo Muqdisho
August 25, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-..Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno Meydka Allaha u naxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Guddiga qaban qaabada aaska qaran ee Marxuum Maxamed Cali Samatar ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah lagu aasi doono Marxuumka magaalada Muqdisho, si wanaagsan ay u socoto qaban qaabada aaska.

Jen. Yuusuf Cusmaan Dhuumaal oo ahaa Taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in lagu aasayo Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

“Qaban qaabada aaska si wanaagsan ayay u socotaa, dowladda dhan ayaa ka soo qeyb galaya oo ay ugu horeeyaan Madaxda qaranka, waxaa lagu aasayaa Wasaaradda Gaashaandhigga”ayuu yiri Jen. Dhuumaal.

Calanka Soomaaliya ayaa hoos loo dhigay saddex maalmood, waxaana dowladdu todobaadkan ku dhawaaqday baroor diiq qaran oo loo sameynayo Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka la adkeeyay, iyadoo aaska Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar loo waddooyin dhowr ah oo magaalada ka mid ah.

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa ka mid ahaa aas aasayaashii Ciidamada xoogga dalka, waxaa uu soo noqday Madaxweyne kuxigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Gaashaandhigga.

COMMENTS
Latest News