Hangoolnews.com
Madaxwayne Siilaanyo Oo Mar kale Golaha Wasiirada Ku Soo Kordhiyey Xubno Ku Suntanaa Hagardaamada Iyo Nacaybka Xisbiga Kulmiye.
August 23, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:—Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ahna aasaasihii xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa mudadii lixda sano ahayd ee uu dalka majaraha u hayay muujiyey tallaabooyin la yaab ku noqday guud ahaan shacbiga Somaliland gaar ahaana taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo markii uu xisbigu mucaaridka ahaa naftooda iyo maalkoodaba  u soo huray sidii uu Xisbiga KULMIYE u hanan laha hoggaaminta dalka, iyadoo dadkii ku dhabar jabay Xisbiga ay qaarkood u dhinteen, qaar kalena maalkoodii iyo mulkigoodiiba isugu geeyeen sidii uu KULMIYE Madaxtooyada u gali lahaa.

Sun

Kadib markii uu Xisbigu ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtooyada waxa uu Madaxwayne Siilaanyo soo dhisay gole wasiiro oo badankoodu ay ahaayeen xubno ka tirsan xisbiga wallow intooda badani ay ahaayeen qaar an la filayn ama qunyar socod ahaa, balse isku shaandhayntii ugu horaysay ee Madaxwayne Siilaanyo sameeyey illaa iyo tii ugu dambaysay oo bishan gudaheedii dhacday waxa uu Madaxwaynuhu golaha wasiirada ee xukuumadiisa ku soo kordhinyay xubno nacaybka xisbiga KULMIYE madax maray muddadii uu mucaaridka ahaa,  waxaana xubnaha uu magacaabay ay badankoodu ka tirsanaayeen xukuumaddii Daahir Riyaale Kaahin ee Xisbiga UDUB,  kuwaasoo ka mid ahaa raggii sida ba’an u nacaybka KULMIYE iyo hoggaaminta Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu caanaxay.

Halkan waxaanu idiinku soo gudbnin doonaa qaar ka mid ah xubnihii ugu xumaa nacayb iyo caadifad ahaanba Xisbiga KULMIYE  iyo taageerayaashiisa ee maanatana ka mid ah golaha wasiirada:

Wasiirka Cusub ee Boostaha iyo Is-gaadhsiinta Maxamuud Cabdillaahi Cige (Sharoon):

Mr. Sharoon, wuxuu aha Badhasaabkii Gobolka Awdal, isagoo xilka hayay intii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin dawladiisu dhisnayd, wuxuu ahaa shakhsigii ugu nacaybka badna ee xita ka necbaa KULMIYE marka la yidhaahdo, Madaxweyne Rayaale oo isagu ahaa shakhsiga tartanku ka dhaxeeyay Axmed Siilaanyo waxa KULMIYE kaga fogaa oo kaga dhib badnaa Maxamuud Shaaroon.

Wuxuu nacaybka uu KULMIYE u qabo gaadhsiiyay in markii   uu ogaaday inuu Doorashadii ku guulaystay Madaxweyne Siilaanyo, iska casilo xilkii Badhasaabka Awdal nacayb uu Xisbiga KULMIYE u qabo awgii, isagoo ku wargaliyay inay cid u soo magacawdaan Gobolka iyadoo xitaa aan dawladba la dhisin.

Ninkii sida aha oo rer KULMIYE ula baxeen magaca Sharoon, iyagoo ugu magacdaray Raysal Wasarihii Xagjirka ahaa ee Yuhuuda kaas oo ciqaabi jiray dadka Falastiiniyiinta, ayuu nasiibku waa cajiiba Madaxweyne Axmed  Siilaanyo xil heer Wasiirnimo ah u magacaabay.

Ummadda ogayd tariikhdiisa iyo wayihii uu KULMIYE la soo maray Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cigge (Sharoon) xil magacabistiisu waxay ku noqotay af kala qaad, waxayse ummadda tusaysaa in aanay jirin wax tariikh la yidhaahdo oo KULMIYE leeyahay. Shalay  ayuu xilkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta la wareegay.

Wasiirka Beeraha, Maxamuud Aw Daahir Ibraahim:

Waxa uu ka mid ahaa qurbajoogtii Xisbiga UDUB, wuxuu deganaa dalka Ingiriiska magaalada London, waxaana uu xaqiiq ahaan ka mid ahaa shakhsiyaad uu madax maray nacaybka uu u qabo Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo wagaas ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE. Waxyaabaha xasuusta gaarka leh ee tariikhda Maxamed Aw Daahir kamid caanka ku aha waxa kamid aflagaadada Siilaanyo, isagoo shaarac kasta si ka baxsan anshaxa suuban uga caayi jiray, taas oo keentay inay tiraba dhawr jeer gacanta saaraan tageerayaashi KULMIYE ee wakhtigaas kadib markii ay xamili waayeen ficiladiiisa, wakhti xaadirkan la joogo  Madaxwayne Siilaanyo waxa uu u hayaa xilka wasaaradda Beeraha.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha, Maxamed Muuse Diiriye:

Maxamed Muuse Diiriye wuxuu hore u ahaa maareeyihii Telefishanka Qaranka Somaliland ee wakhtigii dawladdii Riyaale, waxaana la odhan karaa wuxuu ka mid ahaa ama uu ahaa shakhsigii hagardaamada ugu badan u gaysan jiray xisbiga KULMIYE wakhtigii uu mucaaridka kulul ahaa. waxa yaabaha sida gaarka ah loogu xasuusto waxa kamid aha inuu mamnuucay Barnaamijyada iyo wararka xisbiga ee Koomiishankii doorashooyinku jideeyeen in si siman looga sii daayo warbaahinta dawladda uu gabi ahaanba  mabnuuc saaray wax KULMIYE khuseeya, waxaayabaha xiisaha leh ee lagu xasuusan karo Maxamed Muuse Diiriye ayaa iyana waxa kamid ahayd dhacdo caan ka noqotay dalka kadib markii  uu  feedh la soo tiigsaday Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ka tirsanaa KULMIYE oo uu dood kulul kula jiray, kadib markii uu Gaboose dooda dhaliilo daran u jeediyay Madaxtooyadu Daahir Rayaale Kaahin. Intaas laguma soo koobi karo wacdarihii uu caanka ku ahaa Maxamed Muuse Diiriye.

Maxamed Muuse Diiriye Madaxwayne Siilaanyo waxa uu u magacaabay xilka Badhasaabka Gobolka Togdheer,   muddo kadibna waxaa uu ku soo daray golahiisa wasiirada isagoo noqday Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

Intan uun kuma koobna shakhsiyaadka ama xubnaha wakhtigii uu KULMIYE hiilka u baahnaa hagardaameeyey ee uu Madaxwayne Siilaanyo iyo xisbigiisuna ku abaalmariyeen inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, balse waxaa la odhan karaa saddexdan masuul waxay tusaale u noqon karaan xubnaha ay taageerayaasha KULMIYE u qaadan la’yihiin ee ciilka iyo cadhada ku abuura mar kasta oo ay arkaan.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday

COMMENTS
Latest News