Hangoolnews.com
Diwan Galinta Cod Bixiyayaasha Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Bilaabantay Gobolka Sool Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyey Ee Gobolkaasi.
August 23, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:—Gobolka Sool ayaa waxa maanta si rasmi ah uga bilaabmay diwaan galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland iyada oo gobolkani uu yahay kii ugu danbeeyey ee ay ka bilaabmaan diwaan galintu.

Warar ka imanaaya deeganadaasi ayaa shegaya in badiba goobii la geeyey sanaaduuqda balse ay jiraan goobo ilaa haatan aan la gaadhsiin oo laga dayrinaayo dhinaca amaanka iyada oo sido kalena ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan goobahaasi ciidanka Maamulka Puntkand,

Gobolka Sool ayaa sida ay komishanku shegeen la gayn doonaa oo sanaaduuqda la dhigi doono 175 goobood kuwaasi oo 153 ka mid ahi yihiin Gobolka Sool halka inta soo hadhayna la geyn doono dhowr goobood oo ka baaqi ah gobolka togdheer.

Dhinaca kale waxa magaalada laascaanood ku suga xubno wasiiro ah oo u badan kuwii ka soo jeeday gobolkaasi oo uu hogaaminaayo wasiirka arimaha gudaha Somaliland ee dhawaan la magacaabay ee Yaasiin Faratoon.

Hangoolnews.com

Laascaanod/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News