Hangoolnews.com
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Oo Fariin Adag U Diray Maamulka Puntland Kana Hadlay Weerarkii Gaal-Kacayo
August 23, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews.com:—Af-hayeenka guud ee xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer) ayaa ka hadley weerarkii is miidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Halkaasi oo ay ku dhinteen dad gaadhaya ugu yaraan 25 ruux halka koton kalana ay ku dhaawac-meen.

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday laba gaadhi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu geystay waxyeelo badan.

Waxaanu Sheekh Cali Dheere sheegay in qaraxan ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacayo uu yahay mid guul u ah xarakada Al-shabaab lana beegsadeen goobtii ay ku tuhmayeen inuu degan yahay cadowgoodu iyo cadawga umada Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhige.

Dhanka kale waxaa uu Sheekh Cali fariin adag u diray maamulka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaanu sheegay in xarakadu ay ka fulin doonto weeraro hor leh isaga oo ku eedeeyay in ay wada shaqeyn leeyihiin dawlada Itoobiya oo uu sheegay in ay dhibaatooyin badan ku hayaan dadka ehelu diinka ah.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Muqdisho Soomaaliya

 

COMMENTS
Latest News