Hangoolnews.com
8 Jir Soomaali/Britisha Oo Qarax Lagu  Dilay Dalka Sweden + Magaciisa
August 23, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews.com:—-Wiilkan yar ee 8 sano jirka ah ayaa imaanaya ka dib markii gurigii uu dagana lagu soo tuuray Banbo gacmeed.,kaasi oo banba gacmeedkani uu gudaha guriga ku qarxay.yusuf

Intaas ka dib waxaa guriga soo gaadhay ciidamada amaanka iyo kuwa gurmadka deg dega ah, iyaga oo goobta ugu yimid dhaawaca wiilkan yar una qaaday dhanka Cisbitaal ku yaala magaalada uu deganaa wiilkan yari sida uu warbaahinta u sheegay Thomes Fuxborg oo ka tirsan ciidamada amaanka ee gobollka Goteborg.yusuf

Waxaana guriga uu qarani ka dhacay ku sugnaa caruur tiro ahaan gaadhaysa ilaa shan ,mana jirto cid kale oo ku dhaawacantay.

Wiilkan yar ee qaraxa ku dhintay ayaa lagu magacaba Yuusuf Warsame, kana mida dadweynaha degan magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska .

Ciimada booliska ayaana gacanta ku haya sababta keentay qaraxa lala beegsaday guriga uu degana qoyska wiilkani yar dhalay.

Wixii warar ee ka soo kordhana waxaanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe.

Hangoolnews.com

Hanagoolnews@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
Latest News