Hangoolnews.com
Dayaanka Rasaasta Oo Shalay Si Weyn Looga Dareemay Magaalada Hargeysa Oo Dhawaqeedu Baxayay Illaa Duhurnimadii Ka Dib
August 22, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews.com:— Dayaanka Rasaas Noocyo badan leh oo ka dhacaysa Qoryaha Fudud ayaa bilihii udambeeyay si weyn looga maqlayay Xaafo badan oo ka tirsan Magaaladda Hargeysa,waxaana inta badan Dayaanka Rasaastani la maqlaa wakhtiyada aroortii, iyadoo mararka qaar gaadha ilaa Duhurnimada,islamarkaana dadku ay mar walba dhegta u taagaan,oo ay ku abuurto cabsi iyo wal wal aan fadhi lahayn.

Rasaastan oo dayaankeedu aad u sareeyo ayaa waxa ay inta badan bilaabantaa saaladda Subax marka fooda laga qaado. Wargeyska Foore uu u kuurgalay rasaastani oo dhawaaqeedu ka soo baxo xarumo ciidan oo kuyaala Agagaarka Taliska Guud ee Ciidanka Bilayska ee Magaaladda Hargeysa ee ku dhaw Huteelka Hargeysa Club,ayaa helay sababta rasaastaasi loola jeedo iyo cidda ridda. Qaar ka tirsan Ciidanka bilayska oo aanu arintani wax ka weydiinay ayaa noo sheegay in dhawaaqa rasaasta aroortii la maqlaa ay tahay carbis toog barasho oo lagu carbinayo ciidanka ku jira Xeryaha Ciidamada bilaysku ku leeyihiin Garoonka Tareedhiska ee kuyaala Jidka loo maro Xarunta Jaamacada Hargeysa.
Waa markii u horaysay ee magaaladda Hargeysa lagu arko ama laga maqlo rasaas noocan oo kale ah oo carbis ciidan ah,waxaanay badi dhawaaqa rasaastani cabsi ku abuurtaa dadka ka agdhaw agagaarka Xaafadda Shacabka oo ay kuyaalaan xarumaha Dawladu. Waxaa maalmaha qaar dhacda in dadku kuraasta iyo Goobaha lagu shaaheeyo ka kacaan oo ay fiiriyaan goobta rasaastu ka dhacayso oo mararka qaar aad moodo inay ridayaan Hub culculus.Aqoonyahano aanu wax ka waydiinay Talaabooyinka noocan ah ayaa ku sifeeyay mid lagu cabsi galinayo shacabka,waxaana ay ku sheegeen inay inta badan talaabooyinkani ama rasaastan Magaalooyinka dhexdeeda laga ridayo lagu arko dalalka ay ka taliyaan Kali taliska oo ka cabsi qaba kacdoon dad weyne ama Saraakiisha ciidanka oo iska dhisaya Dawlada Talada Haysa,taasi oo ay ku tusiyaan shaqada ay hayaan iyo Sida ay ciidanka heeganka ugaliyaan ee ay ugu carbiyaan ridista rasaasta.
Dhinaca kale,dad badan ayaa wax ka iswaydiiya sababta ay Madaxtooyaddu u dhawaaq dhagaysanayso rasaastan xooga badan ee badhtamaha Caasimada wadanka ka dhacaysa ee la sheegayo inay tahay Tababar ciidan. Jidka hor mara Xeradan Rasaastu ka dhacayso ee ciidanka lagu carbinayo ee Badhtamaha Magaaladda Hargeysa ayaa waxa isticmaala Hay’addaha ajaanibka ah ee Dalka ku sugan waxaanay arintaasi dhaawici kartaa hanaanka dimuqraadiga ah ee dalkeenu ku dhisan yahay. Waxa shalay oo u dambaysay hakad galay gaadiidkii jidkaasi isticmaalayay kuwaasi oo Dareen cabsi leh ka muujiyay rasaasta xooga badan ee ka dhacaysa Agagaarka jidkaasi taasi oo ay suurta gal tahay inay dibada uga soo baxdo. Waxa lagu isticmaalaa ciid tuul ah oo dhex taala xerada ciidank laakiin waxa ka haboonayd in Caasimada dibada looga saaro. Dad badan ayaa talo ku bixiyey in ciidanku dibadda uga saaraan arrinkan.

Hangoolnews.com

Hangool@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho:- Foorenews.com

 

COMMENTS
Latest News