Hangoolnews.com
Baafin: Duqii Iyo Ku/Xigeenkii Caasimada Hargaysa Oo La Waayay – Q:2aad
August 22, 2016 - Written by Hangool

Akhriste waxay inoo joogtay 23-kii xildhibaan iyo sidii aanay uga fikirin cida qaban karata hawsha Maayrnimo ee Caasimada. Sidaa daraadeed iyagoon eegin heerka aqooneed ee looga baahnaa Duqa iyo ku/xigeenaka waxay si indhalaan ah ugu soo doorteen Maayarka iyo M/xigeenka farsamo beelaysan. Sidaas ayaanay ku yimaadeen madxadan allow sahalka ahi. Hadaba waxay tidhaahdaa Somalidu hal xaaraani nirig xalaala ma-dhashee,hadii aynu wax ka xusno dhibaatooyinka laga dhaxlay doorasho ku sheegii noocaa kor ku xusan ahayd ee ay ka soo baxeen madaxda maantu. bal ka fikir akhriste maxaad umalaynaysaa hadii aad hawl u yeelato Xafiiska Duqa Hargaysa una soo jarmaado arooyo hore xagaa iyo D/hoose? markaad xarunta soo gaadhaba waxay indhuh qabanayaan dad dhex uugaamaay kaanboolka wayn ee u dhaxeey 2-da dhisme ee ay u qaybsanto Xarunta D/hoose waa ka xiga dhinaca Galbeed ee uu fadhiisto Maayarku iyo dhanka bari oo uu fadhiisto M/xigeenku. Dadkana laba waliba waxay is waydiinayaan ma yimid Maayarki-iyo ma joogaa?!!. Dhagahaagana waxaa ku soo dhacaya tawaawaca iyo cabashada ka soo burqanaysa dawaynaha maalin walba wakhtigu kaga lumo siday u taagan yihiin bacadka iyo siigada D/hoose horteeda cidina uma maqana ceelna uma qodna. Bal ogoow dhibaatadu kuma koobna Xafiiska Maayarka oo kaliy sideedaba wuu yar-yahay Xafiis aad masuulka joogay si sahlan uheli kartaa sidaa awgeed markiiba waxaad xasuusanaysaa (Gabaygii uu tiriya xaaji Adan af-qalooc ee uuku jiray baydkii ahaa Ninba tiginka meeshuu dhid-baday taabka ku adkeeyoo waash-maan kol ay tahay Ninkii taabay meel dhere)muraad kaste oo yeelatan waxaa kaa xiga wax bixinta gacantaada!!. aan halkaa ku yara hakadoe waxaa jirta odhaah tidhaahda wixii qayrkaa qabo qosolkaa ku dhane dib ayaan ugu soo laaban doonaa hawsha dadwaynah ka haysata meeshe.

Arooryo hore oo ay bishii May ahayd 24-2016-ka Maalin Talaata ah abaaro 8:15Am. Ayaan soo gaadhay xarunta D/hoose waxaan u socday in aan maayarka kala hadlo dhul aanu ka iibsanay deg. M.Mooge oo la diiday in la sharciyeeyo,markiiba waxaan u hawl galay sidii aan u ogaan lahaa joogi taanka Maayarka waxaan jirta su,aal meesha caadi ka ah oo la yidhaahdo ma yimid iyo ma joogaa? sidaa awgeed mid aan waji Garanaayay oo meesha ka shaqeeya ayaan waydiiy ma yimid Maayarki? jawaabtina waxay noqotay weger!! Waar sidii ay bisha May u dhalatayba soo muu xaadirin saakan iman maayee iskaga taga. Sidaas ayaan maalintaa ugu hun-goobay in aan helo Duqa Caasimada kagana tegay,goobtii marlabaadkii ayaan dib ugu soo laabtay 13/06/16-ka Maalintaan waan waaya. Halkaa markay marayso ileen wadada soo haynmaayee waxaan xidhiidh la,sameeyay mid ka mid ah shaqaalaha xarunta oon ka codsaday in uu iila socdo wakhtiga uu imanaayo ugu danbayuntiina habeenimadii ay Isniintu soo galaysay ee Bisha,june ahayda,20/2016-ka,ayuu saaxiib kii ii maqnaa igu soo wargaliya inuu aroorta hadii Alle ka dhigo iman doono waxaanu igu yidhi ma ogi si ay noqon doontee laakiin asxaabtiisu waxay leeyihiin wuu imanayaa aroorta. sidaa daraadeed goor hore ayaan ku sii diyaar garoobay D/hoose hoteeda waxaanan sii diyaarsaday nin idhaafiya labada Alabaab ee ka sokeeya iyo farsamadii aan kula xaali lahaa cida shaqada haysa(albaabada taagan),waxaan fadhiyaba mar ay saacadu ku dhawayd abaaro 9:10am ayuu soo galay isagoo saaran Gaadhi Qurux badan oo ah nooca ay madaxda somaliland isugu faanto waanu ka soo degay iyadoo la,mood sidii nin ajinbi ha, ama wufuudii Gaalada oo kale sida loo ilaalinaayo.

Lasoco Qormada Danbe
Qalinkii:
Burhaan Ismaciil Barre
Tel 063-3218769
Hargeysa, Somaliland

Qalinkii: Burhaan Ismaciil Barre … Q:2aad

 

COMMENTS
Latest News