Hangoolnews.com
Warbaahinta Jarmalka Oo Falanqaysay Sababta Beesha Caalamka Iyo Midowga Africa U Diidan Yihiin Madax-Bannaanida Somaliland.
August 21, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Warbaahinta caalamiga ah ee dalka jarmalka ee magaceedu yahay Deutsche Welle(DW) ayaa warbixin ay baahisay ku sheegtay in beesha caalamka iyo wadamadda ku midaysan midowga Africa ka cago jiidayaan ictiraaf Somaliland la siiyo , Sababta ayay warbixinta kusheegtay in midowga Africa ka cabsi qabo in dadyaw badan oo dalal Africa ku yaala ah dalbadaan madax-banaanida hadii taageero la siiyo qadiyada iyo gooni isutaaga Somaliland.

War

Warbaahinta dawlada jarmalka ee dunida la hadasha oo waraysatay nin falanqeeya arimaha Africa kana hawl galay dalal somaliya ka mid tahay ayaa tilmaamay inay iska indho tirayaan dawlada sida xaqiiqada ah dalkeeda gacanta ugu haysa  ee Somaliland “25 sanno kadib markii Somaliland iclaamisay madax-banaanideeda waxay haystaaa wax kaste oo dal looga bahnaa,wa dal leh dawlad la doortay ,ciidan,lacag iyo calan laakiin wali caalamiyan looma aqoonsan”ayaa lagu yidhi warbixinta warbaahinta DWTim Glawion, oo dalalka Africa oo somaliya kamid tahay kala soo shaqeeyey hay’adda daraasaadka jarmalka ee GIGA qaybteeda dariska arimaha Africa ayaa warbaahinta DW wuxuu u sheegay inaanay beesha caalamka iyo wadamada midowga Africa rabin ictiraafidda Somaliland,iyaga oo ka cabsi qaba inay ku furto dariiq dadyow badani ku dalbadaan madax banaani aayo ka tashi ku salaysan.

Waxa uu sheegay in saamayn ka timaada jid gooni u goosi ah oo furmay ay tahay cabsida ugu way nee loogu dhiiran la’yahay gooni isu taagga Somaliland “Beesha caalamka iyo midowga Africa iyagaoo isticmaalaya go’aan istaraatiijiyadeed ayay isku dayayaan inay carqaladeeyaan ama jidka ka leexiyaan wadamada madax-banaanida iclaamiyay,maxaa yeelay waxay ka baqayaan in gobolka ay ku yeelato saamayn isdaba joog ah “ayuu yidhi mr Glawion.

Sidoo kale waxa uu sheegay In dooda Somaliland ee ku salaysan in xuduudeedu tahay mid ku fadhida qaabka xuduudaha Africa u dhigan yihiin ee gumaysigii u dhigay ku astaysan ay ka duwan u fikiraan madaxda Africa.

“hogaamiyayaasha midowga Africa ma doonayaan inay dhiiri galiyaan madax-banaanida Somaliland maxaa yeelay?. Dalal badan ayaa leh xuduudo gumaystihii dhigay,waxana jira qoomiyaddo badan ma bulshooyin siyaasad ahaan dareemaya  inay u qalmaan inay helaan madax-banaanidooda”ayuu yidhi Mr Glawion .

Geesta kale waxa uu sheegay in maal-gashadayaasha ay ku adag tahay in Somaliland heshiisyo galaan si kor loogu qaado dhaqaalaha madaama aanu jirin ictiraaf caalami ah

“maal-gashadayaasha aadbay ugu adag tahay inay tagaan tusaale ahaan hadii aad doonayso inaad khayraad soo saarto waxa kugu waajib ah inaad u tagto dawlad la ictiraafsan yahay si aad heshiisyo ula gasho maaha uun cid siyaasadd ahaan madax-banaan oo xaqiiqo ahaana maamusha dhul balse aan caalamiyan la ictiraafsanayn” ayuu yidhi Mr Glawion .

Iyadoo taasi jirto warbaahinta DW wuxuu tilmaamay inuu soo bidhaamayo iftiin malgasho oo ay kamid tahay heshiiska DP WORLD ku horumarinayso dekeda berbera iyo xafiis hay’adda horumarinta jarmalku ka furatay hargeysa.

“waxa muuqda iftiinka maalgashiga oo ay kamid yihiin heshiiska afarta boqol ee milyan ku kacaya ee shirkadda DP World ku maalgalinayso dekeda berbera si loo horumariyo loona laban laabo baaxadeeda iyo hay’adaha horumarinta caalamiga ah ee ay kamid tahay hay;adda horumarinta ee jarmalka (GIZ) taasi oo hargeysa ka furatay xafiisyo si ay barnaamijyo horumarineed uga fuliso”ayaa lagu yidhi warbixinta DW .

Wargeysku waxuu ugu danbayn is bar-bar dhigay amniga Somaliland iyo somaliya,waxaanuu sheegay inay Somaliland tahay beertii xasiloonida ama nabadda marka la barbar dhigo somaliya oo mushkilado ka jiraan.

Doorashooyinka ayaa kamid ah waxyaalaha Somaliland lagu amaanay “halka Somaliland sanad walba ka xaqiijinayso inay dalka wanaagsanaanaya tahay,halka dhigeeda somaliya ee la ictiraafsan yahay sanad walba hoos u dhac waynu ku yimaado,taasina waxay ka dhigaysaa laba isku lid ah.

Source War sugan

COMMENTS
Latest News