Hangoolnews.com
War:- Deg Dega:– Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Garoonka Diyaaraha Ee Magaalada Laas-Caanood
August 21, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:— Dagaal Khasaare Ba,An Geystay Ayaa Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Laas-Caanood.

Dagaalkan Oo Dhacay Abaaro Saaka Tobankii Barqanimo,Iyada Oo Sababta Dagaalkan Garoonka Ka Dhacay Ay Sababtay Ka Dib Markii Ciidanka Ilaalada Madaarka Magaalada Laas-Caanood Gaar Ahaana Waaxda Cashuuruhu Ay Diideen Inay Cashuuraan Diyaarad  Ay Leedahay Shirkada Qaadka Ee 571 Soona Caga Dhigatay Garoonka Diyaaradaha Ee Laascaanood.

Waxaanu Dagaalkani Dhex-Maray Koox Dooneysay In La Cashuuro Qaadka Saran Diyaaradan Iyo Ciidanka Ilaalada Qaadka.

Waxaanu Dagaalkani Sababay In Hal Qof Uu Ku Dhinto Oo Isagu Ka Mida Dadweynihii Taageersana, Sidii Loo Cashuuri Lahaa Qaadka 571

Iyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha Ee Garoonka Laascaanood, Waxaana Mudooyinkii U Danbeeyay Isa Soo Tarayay Muran Xoogan Oo Ka Dhex Taagna Shirkadaha Qaadka Soo Dejiya.

Xaalada Magaalada Laascaanood Ayaa Ah Mid Hada Degan Iyada Oo Ay Jiraan Inta La Og Yahay Dhimashada Hal Qof Iyo Dhawr Kale Oo Dhaawaca

Wixii Warara Ee Danbee Ka Soo Kordha Waxaanu Idiinku Soo Gudbin Doona Wararkayaga Danbe.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
Latest News