Hangoolnews.com
Gaadhi Xamuula Oo Dhacay+Waddada Oo Wali Xidhan+Mooganaanta Dowladda Hoose Ee Hargaysa
August 21, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnew:-..Waddada Isku Xidha Idaacacada Iyo Badhtamaha Magaalada Hargaysa Ayaa Waxaa Xalay Naskii Dambe Ku Dhacay Gaadhi Noociisu Yahay U.D (Iskorogo Ah) Gaadhiga Ayaa Waxaa Uu Siday Ciida Dhismaha Waxaanu Ku Qalibmay Waddada Ay Maraan Basaska Idaacada. Isu Socodka Gaadiidka Shacabka Ayaa Xayiran Ilaa Imika Ma Jirto Cid Ka Howgashay Sidii Goobtaasi Gaadhiga Xamuulka Looga Qaadi-Lahaa Marka Laga Reebo Guddoomiyaha Iskaashatada Basaska Oo Halkaasi Joogay, Sheegayna In Ay Ka How-Galayaan Sidii Gaadhigan Waddad Xanibay Meesha Looga Qaadi Lahaa,

qalib 3

Geesta Kale Dowladda Hoose Aan Ka Warhayn Oo Moogan Waddada Xidhan Ku Dhawaad Tobanka Saacadood Walaw Lala Xidhiidhay Haddan Dhag-Jalaq Umay Siin.

Mudooyinkii Ugu Dambeeayay Waxaa Soo Badanayay Shilalka Gaadiidk Ka Dhaca Gudaha Magaalada Hargaysa Waxaana Inta Badan Lala Xidhiidhinayaa Waddo Xumada Magaalada Hargaysa.

qali2

qalibqali1

COMMENTS
Latest News