Hangoolnews.com
War Deg Deg Ah Roob Mahiigaan Ah Oo Ka Da”ay Magaalada Hargeysa Iyo Dadwaynaha Oo Ka Cabsi Qaba Dabaylo U Wato.
August 20, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Magaalada HArgeysa waxa caawa ka da,aaya roobab waawayn kaasi oo ay ku diirsadeen dadwaynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa.

Roobabka oo da,aayey ilaa galabtii maanta ayaa waxa ay xooga roobab kani ay ka da,ayeen Degmada Ibraahin Koodbuur ee dhinaca galbeed ee Caasimada Hargeysa,

Haatan oo ay saacada magaalada Hargeysa sheegayso sagaalkii oo wax dhiman ayaa waxa mar kale ka bilaabmay qaybo ka  mid ah Caasimada Roobab Waawayn oo dabaylo wata,kuwaasi cabsi galiyey dadwaynaha caasimada Hargeysa.

Waxaana haatan qaybo ka mid ah Magaalada Hargeysa laga soo sheegayaa in ay si wayn u hayaan roobab wata dabaylo inkasta oo aanay ahayn dabaylo aad u xoogan.

Dhanka kale waxa badibad Caasimada Qar qiyey Daaddadka roobka kuwaasi oo xidhay dhamaanba wadooyinka ay iskaga kala gooshaan Gaadiidka kala duwan ee kala dhex goosha gudaha magaalada Hargeysa.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News