Hangoolnews.com
Taliban oo qabsatay magaalo muhiim ah
August 20, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews.com:—Saraakiisha ammaanka ee Afghanistan ayaa sheegay in xooggaga Taliban ay qabsadeen magaalo muhiim ah oo ku taalla gobolka waqooyi bari dalkaasi dhaca ee Kunduz.

Ciidanka dowladda ayaa dib ugu soo gurtay magaala madaxda gobolkaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidanka oo aan helin gurmad ku filan iyo rasaas la’aan haysay ay keentay in Taliban ay qabsato magaalada Khanabad.

Ururka Taliban ayaa sheegay in sidoo kale uu qabsaday magaalada Hesarak ee gobolka Nangarhar, taasoo 500 oo kilo mitir koonfurta uga beegay Kunduz.

Balse waxaa sheegashadaasi beeniyay maamulka degmadaasi, oo sheegay in ay weli ku sugan yihiin ciidanka Afghanistan.

Ciidanka dowladda ayaa hadda Afghanistan kula dagaallamaya ku dhawaad kala bar 34-ta gobol ee uu dalkaasi ka kooban yahay.

COMMENTS
Latest News