Hangoolnews.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Hoggaamintiisa Siyaasadeed Ku Noqday Madaxweynihii U Horreeyay U Hoyda Laascaanood, Khudbad Loo Guuxayna Ka Jeediyay Shir Nabadeed Lagu Qabtay Adhi-Caddeeye
August 20, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews.com:—  Weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo), oo ku gudo-jiray maalintii labaad ee socdaalkiisa shaqo ee uu ku marayo gobollada bari ee dalka, ayaa   xalay fiidkii si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool oo uu xalay u hoyday. Isagoo noqday madaxweynihii u horreeyay ee Somaliland ah ee u hoyda magaalo-madaxda gobolka Sool 25-kii sannadood ee ay Somaliland madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa waxa shalay si aan hore loogu arag iyo qalbi-samaan loogu soo dhaweeyay  shacbiga deegaamada Guumays,Samakaab, degmadda cusub ee Adhi-caddeeye iyo Yagoori oo dhammaantood ka tirsan gobolka Sool.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa intii uu shalay marayay gobolka Sool uu dhagax-dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgelin doono deegaannadaasi oo ay ka mid ahaayeen  waddo laami ah oo isku xidhi-doonta Degmada Adhi-cadeeye iyo Degmada Xudun, taasoo dhererkeedu noqon doono 85 km, iyo mid dayactir lagu sameynayo oo dhererkeedu dhan yahay 1.3 km.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxay degmadda Adhi-caddeeye, kaga qeyb-galeen shirweyne qeyb ka ahayd gogoshii madaxweynuhu markii uu tallada dalka qabtay ugu baaqay waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada barri gaar ahaan Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle.

Shirkan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka qeyb galay ergooyin ka soo kala kicitimay gobolladda Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo, waxaana lagu faaqiday  sidii shacbiga gobolladaas iyo xukuumadda Somaliland ay meel uga soo wada jeedsan lahaayeen masiirka ummadda walaalaha ah ee reer Somaliland  u midoobi lahaayeen, si ay u meel mariyaan himiladooda iyo wada jirkooda dal ahaan iyo dad ahaanba.

Markii shirku furmay waxa hadalo halkaa ka jeediyey Wasiirro, Madaxda dhaqanka ee halkaa ku sugnaa tiradooduna ay aad u badnayd lana odhan karo umay kala hadhin maanta gogoshaa wada hadalka ee uu madaxweynaha qaranka Somaliland u fidiyey bulshada saddexdaa gobol ku dhaqan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu shirkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo ruxday quluubta waxgaradkii iyo dadweynihii shirkaasi ka soo qeyb galay, waxaanu si qotodheer uga waramay dedaaladda xukuumadiisu ku hawlan tahay gaar ahaan dhinacyadda nabad-gelyadda, xalinta khilaafaadka, siyaasadda, diiwaan-gelinta, mashaariicda horumarinta iyo kor u qaadista adeegyadda ijtimaaciga ah.

Khudbadaas oo aad u dheerayd waxay u qornayd sidan:-“Garaadada, Cuqaasha, waxgaradka iyo haweenka sharafta leh ee madashan milgaha iyo maamuuska leh fadhiya dhammaantiin “Asalamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu”.

Salaan ka dib, Mudanayaal iyo Marwooyin, sharaf weyn ayey ii tahay inaan ka soo qayb galo Golahan iyo gogoshan gobeed ee ay goob-jooga ka yihiin haldoorkii hoggaamiyayaashii dhaqanka ee bulshada Gobolka Sool.

Walaalayaal, waxaan jecelahay inaan si kooban isku dul taago qoddobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:-

Tabashooyinka Deegaanada Sool,Xaysimo iyo Buuhoodle

Midnimada iyo wada jirka Ummadda

Diiwaangalinta

Adkaynta Nabadgalyadda

Horumarka

Tabashada  Bulshadda Gobolada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle

Waxaan xogogaal u ahay in hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee deegaannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle ay ka qabaan Qawad iyo Tabasho qaabka awood qaybsiga tallada Dalka.

Ø Waxaan aaminsanahay in cadaaladdu tahay waxa kaliya ee ummadi ku walaaloobi karto.

Ø Waxaan aaminsanahay in beelaha iyo bulshada Somaliland yihiin kuwo siman oo leh xaq iyo xurmo isku mid ah. Waxaan leeyahay sidii ninkii yidhi “Dadku waa wada Ciise oo midna mid Caaro Ma dheera”.

Ø Waxaan aaminsanahay in la qeybsado hawsha, halabadda iyo hantida qarankan  yagleesha ah.

Ø  Waxaan garwaaq-sanahay in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef la wadaago.

Walaalayaal,Waxaan gar u arkaa in wixii khaldamay la saxo. Waxaan gar u arkaa in la dheeli-tiro awood-qaybsiga tallada Dalka. Waxaan ku qanacsanahay in loo baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo saami-qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Walaalayaal, waxaanu diyaar u nahay in aanu idinka tirrno tabashada iyo turxaan kasta oo aad  tirsanaysaan.Ma nihin dad kala tagi kara, mana nihin dad kala tashan kara, ee waxaynu nahay Dad isku dan ah oo isku Dal ah.Walaalayaal, waxaan leeyahay aan wada tashanno, oo aan isku tashanno, oo aan is aaminno. Hoggaaminta dalka waa loo siman yahay, kootana cid gaar ah uguma xidhna, xilkiisuna, magan ALLE, waa meerto, oo maalinba nin baa madax ka ah.  Maanta anigaa Madaxwayne ka ah Somaliland, Shalayna waxaa  Madaxwayne ka ahaa Daahir Rayaale oo ka soo  jeeda Gobolka  Awdal, berritana nin reer Sool ah ayaa Madax ka noqon kara.

Walaalayaal,Xaq baad u leedihiin in aad maalintiina Haaneedaan hoggaaminta dalka,  mana jiro wax idinka hortaagan ee hareerta qabsada, kana qayb qaata diiwaan-gelinta iyo nidaamka doorashooyinka ee axsaabta badan.

Haddaba, si ummad ahaan aynu u kala bogsanno, isla markaana si mug iyo miisaan leh u falan-qayno arrimahaas  iyo wax kasta oo khuseeya danaheenna guud, waxaan ugu baaqayaa mar labaad gogol wada hadal oo rasmi ah dhammaan Garaadada, Cuqaasha iyo siyaasiyiinta deegaannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle. Waxaan idinku martiqaadaya 25/10/2016 magaalada Burco oo shirkaasi ka dhici doono.

Si uu u xoogaysto isfahanka, isdhexgalka, nabad ku wada noolaanshaha bulshadda, waxay Xukuumadaydu ka qeyb qaadatay shirar doceedyo aad u qiimo badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin shirkii ka dhacay Magaalada Awr-boogays, oo aan jecelahay in aan halkan ku hambalyeeyo haldoorkii isugu yimid shir weynahaas.

Waxaan soo dhawaynayaa go’aanadii shirka Awr-boogays ka soo baxay.Waxaan soo dhawaynayaa dhammaan heshiisyadii iskaashiga iyo wax wada qabsiga ahaa ee ku dhex maray xukuumadda Somaliland iyo Beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle iyo Cabdiraxmaan Harti.Sidoo kale, waxaan hambalyeynayaa shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Caynabo.

Waxaan soo dhawaynayaa natiijadii Shirkaa ka soo baxday ee salka ku haysay bilowga nabad iyo wada hadal dhex mara Xukuumada Somaliland iyo Khaatumo.

Waxaan soo dhawaynayaa is-fahanka hor-dhaca ah iyo wada hadalka noo socda aniga iyo saxiibkay Cali Khaliif Galaydh. Labadayada iyo ragga kale ee nala ayniga ah maanta naloogama fadhiyo in aannu colaad beerro, ee waxaa nalooga fadhiyaa in aanu dadka u horseedno horumar iyo himilooyin gun dheer, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Cimri tegay ceeb laguma sagootiyo”. Ilaahayna waxaan ka baryayaa in uu dhammaanteen tubta toosan innagu hanuuniyo, tawfiiqdana inna waafajiyo.

Shirarkan goo-gooska ah ee kala danbeeya ugama jeedno in aanu ku qeybino ama ku kala qoqobno wax garadka bulshadda ku dhaqan dhulkan. hasa-yeeshee waxaanu uga goleenahay:-

In la xoojiyo nabadgelyada

In la abuuro jawi isfahan iyo wax wada qabsi

In la ururiyo, lana mideeyo aragtiyaha kala duwan ee degaanadan.

In loo gogol xaadho shir wayne balaadhan oo ay ku wada xaajoodaan Somaliland iyo wax-garadka deegannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle kaas oo ah, ka aan maanta, madasha ka muddeeyay.

 

Wadajirka iyo Midnimada Ummadda

Midnimada iyo wadajirka Ummada Somaliland waa mid ku fadhida muhiimad weyn oo marnaba aan madmadow la gelin karin, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “LABA ILAAH BAA U DAAWO QAADAY, LABANA IYAGAA DAAWO QAATAY”,  waxaan leeyahay ummada Somaliland  ILAAHAY ayaa u daawo qaaday oo waa kuwo wadaaga Dal, dad, daaq, degaan, diin iyo dhaqan soo jireen ah oo durugsan.

Sidaa daraadeed, waxay ka dhigan yihiin hal ku dhiga ah “SAKAARO LABA TUN OO LA KALA QALO MA LEH”.

Haddaba, siyaasada xukumadda aan gadhwadeenka ka ahay, waxaa udub dhexaad u ah ururinta iyo midaynta shacbi weynaha Somaliland.  Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan ahay oday ruug cadaa ah oo Ummad u arriminaayay in ka badan (40) sanno, uma aqaan siyaasadda hoggaamiyaha hagaagsan dulmi, dirsooc iyo dad la kala qaybiyo.

Sidaa daraadeed,  waxaa iga go’an in aan ka tago dal iyo dad midaysan oo leh daareen kaliya, waxaan diyaar u ahay in aan  galiyo  Maal, Maskax iyo Muruq badan dhammaystirka dib u heshiisiinta  dadkayga iyo dalkayga.

Walaalayaal,Waxaan idin leeyahay shan nin oo isku tallo ah hal shansho ayaa ka go’da, shan nin oo kala tallo ahna shan shansho ayaa ka go’da, waxaan diyaar u ahay inaan qaado tallaabo kasta oo suurto-gal noqon karta, taas oo lagu meel marinaayo midnimada qaranka iyo mataanaynta muwaadiniintiisa ku abtirsada.

 

Diiwaangalinta

Dawladda Somaliland waxay gudoonsatay inay Diiwaangaliso dhammaan dadka muwaadiniinta u dhashay Jamhuuriyada Somaliland, si ay u helaan jinsiyad iyo aqoonsi muujinaaya isir raacooda. EEBBE mahaddii, mashruucaasi wuu socdaa, waxaana la meel mariyay 60%, inta hadhayna waxaa la qabyo-tiri doonaa sannadka 2017. Dhinaca kale, waxay xukuumadda Jamhuuriyada  Somaliland iyo Dalalka Deeq-bixiyayaasha aynu saaxiibka nahay iska kaashanayaan hirgelinta Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in si sax ah oo hufnaan sugan leh loo diiwaan galiyo dadka leh xaq codbixineed ama awood sharci u leh inay ka qayb qaataan Doorashooyinka Qorshaysan 2017.

Qaran ahaan waxaynu si fiican ugu guulaysannay xaqiijinta mashruucan oo sidii loogu tallo galay uga hirgalay Gobollada Togdheer, Awdal, Saaxil, Maroodi-jeex iyo Sanaag.

Gobolkan Sool ee aynu maanta Joognana, idam Eebbe waxay ka bilaabi doontaa Maalinta Salaasada ee 23/08/2016. Anigoo fursadan iyo fagaarahan ka faa’iidaysanaya,  waxaan jecelahay inaan farta ugu fiiqo bulshada  ku nool Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle inay Diiwaangalintu tahay muhiim, isla markaana saamayn weyn ku leedahay Tiirarka Aasaaska u ah nolosha gaar ahaan siyaasadda, nabadda iyo horumarka.

Sidaa daraadeed, waxaan ugu baaqayaa dhammmaan Dadwaynaha ku dhaqan Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle inay isu diiwaangaliyaan si xikmad, xasilooni iyo xamaasad leh. Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa Garaadada, Cuqaasha, Culima-awadiinka, Wax-garadka, Haldoorka iyo haweenka Deegaannadan inay door weyn ka qaataan tisqaadka iyo taabba-gelinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha.

 

Nabadgelyada

Nabaddu waa aasaaska nolosha. Xukummadda aan madaxda ka ahay, waxay xoog saartay, xoolo badanna u hurtay adkaynta nabadgelyada guud ahaan Gobolka Sool. Si gaara, waxaan u xoojinnay ammaanka magaalada Laascaanood oo dilal is dabajoog ah, isla markaana tiro badani ka dhici jireen xilliyadii hore, taas oo sababtay in laga barakaco iyo in uu qofku ka werwero cawo-bariga naftiisa. Alleheenna weyn baa mahad iska leh ee innagu mannaystay nabadda aynu haysanno iyo nimcooyinkiisa kale ee faraha badan.

Dhinaca kale, labadii sanno u danbeeyey, waxa gobolka ka dhacay dhibaatooyin dhex maray beelo walaala ah, sida shaqaaqooyinkii ka dhacay Taleex, Xuddun iyo Dharkayn.

Deegaannadaa kor ku xusan, waxaanu ka samaynay hawlgallo laxaad leh oo isugu jira nabad ilaalin iyo dhex-dhexaadin. Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dedaal weyn ka geystay xallinta dhibaatooyinkaa.

Mar labaad, waxaan u ducaynayaa duqaydii iyo waayeelkii dhex-dhexaadinta ka waday magaalada Dhumay. Waxaan EEBE uga baryayaa in uu ku guuleeyo dedaalka ay wadaan iyo in uu miisaanka xasanaadkooda ugu biiriyo camalka wanaagsan ee ay wadaan.

Waxaan u caddaynayaa Garaadada iyo madax-dhaqameedyada hawsha dhex-dhexaadinta labad beelood ee walaalaha ah u guntaday in aan si buuxda u garab taaganahy.

Ugu dambayn, waxaan ugu baaqaya beelaha walaalaha ah ee Faarax Cali iyo Samakaab Cali in ay ka heshiiyaan dhibaatooyinkii dhex maray.

Sidoo kale, waxaan ugu baaqaya beelaha walaalaha ah ee Maxamed Garaad iyo Cabdi Garaad in ay joojiyaan colaadda dhexdooda. Waxaan leeyahay walaalayaal, colaad wiil baa ku dhinta ee kuma dhasho. Waxaan leeyahay walaalayaal, waxa maanta talo inooga baahan dadka inta nool, talo inoogama baahna nin dhintay. Waxa kale oo aan ku guubaabinaya in ay u hoggaansamaan talooyinka iyo go’aammada ka soo baxa Guurtida dhex-dhexaadinaysa iyo ciidammada nabad ilaalinta ee hadh iyo habeen heeganka u ah.

Horumarka

Xisbiga Kulmiye markii uu talada dalka ku guulaystay, muddo yar ka dib, waxa Xukuumadaydu guddoonsatay in Gobolka Sool laga hirgaliyo horumar laxaad leh, maadaama oo ka jiro dib-u-dhac weyn oo saameeyey adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale.

Waxaa hubaal ah in muddadii 6-da sannadood ee aan dalkan Madaxweyne ka ahaa, wax badan iska beddaleen hourmarka Gobolka Sool, gaar ahaan tayeynta iyo kor-u-qaadidda tirada adeegyada bulshada. Tusaale koobaan, waxaan u soo qaadan kara dhinaca waxbarashada oo dib u dhac weyn ka jiray xilligii hore.

Waxaanu ka hirgalinay Gobolka Sool 50 School ama dugsi oo isugu jira noocyada kala duwan Hoose, Dhexe iyo Sare. Waxaanu ka hawlgalinnay 203 macalin oo cusub.

Waxaanu dhisnay Jaamacadda Nuugaal oo ay ka qalin jabiyeen aqoonyahanno badan oo dalka iyo dadka wax ku soo kordhiyay.Waxaanu qodnay ceelal biyood tiro badan

Si gaara markan isu-dul-taago magaala madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, waxaan Xukuumad ahaan ka samaynay kawaanka hilibka, sariibadda khudradda iyo waddooyin dhan 7 kilometer, iyo 6 kilometer oo hadda gacanta lagu hayo. Waxaanu samaynay garoon kubbadeed oo hadda roog casriya la dhigayo. Waxa hadda gacanta lagu hayaa dhismaha hooy dugsi cusub iyo dib u dhiska schoolkii hore ee dumay. Iyada oo lagu qalabayn doono agab waxbarasho oo casirya iyo macalimiin tayo leh.

Dhinaca kale, waxa hadda la bilaabay dayac-tirka iyo dib-u-dhiska Cisbitaalka weyn ee Magaalada Laascaanood, iyada oo lagu soo kordhin doono qalab cusub oo casriya, daawo bilaasha iyo 3 dhakhtar oo si joogta ah uga hawlgala. Mashaariicdaa hadda bilaabmay ee laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxa ku baxay lacag dhan $7 Milyan oo Dollar.

Dhinaca kale, waxaanu gacanta ku haynaa mashaariic horumarineed oo aan ka wadno qaar ka mida degmooyinka Gobolka Sool, sida Xuddun, Awr-boogays iyo Kala-baydh.

Sidoo kale, waxaanu iyana mashaariic ka fulin doonna Degmada Adhi-caddeeye, Taleex, Yagoori, Dharkeeyn iyo Laasa-curdin.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan idiin caddaynayaa in ay Xukuumaddayda ka go’an tahay in xoog la saaro horumarka Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle, si loogu sameeyo is beddel weyn nolasha bulshada deegaanadaa. Waxaa noo qorshaysan in horumarka deegaannada loo sameeyo qorshe fog iyo mid dhaw, kuwaas oo sannadka dabayaaqadiisa ka muuqan doona buugga Qorshaha dheer ee Qarankan.

Ugu dambayn, ka sokow masuuliyadda ballaadan ee aan Qarankan u wada hayo, waxaan idiin caddaynayaa in aan si gaara isaga xil saarayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada gobolkan.

Guntii iyo gabogabadii, waxaan leeyahay amba faydniye waxba ha i farin.Ilaahay waxaan ka baryayaa in boggeenna iyo beerkeenna burcad isu mariyo.Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu midnimadeenna iyo wada jirkeenna adkeeyo. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu balaayo oo dhan ina hareer mariyo, baladkeenana aamin ka dhigo”.

Markii kulankaasi u soo afmeermay waxa weftigii madaxweynaha loo gelbiyey magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, oo ay weftiga Madaxweynuhu hoggaaminaayey xalay  u hoydeen kuna sugnaan doonaan, taasoo taariikhda gobolka ku suntanaan doonta, marka loo eego intii uu jiray gobolka Sool oo aanu weligeed Madaxweyne u hoyan, isagoo madaxweynuhu taariikhdaas mid la mid ah ka dhigay gobolka markii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo safaro kala duwan ku yimid magaalada kana fuliyey mashaariico dhawr.

Madaxweynaha Somaliland waxa weftigiisan xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha gudaha, maaliyadda, warfaafinta,madaxtooyadda, khayraadka biyaha, Xanaanadda Xoolaha, Qorshaynta, dib u dejinta, Wasiirul dawleyaal, wasiir ku-xigeenno iyo xidlhibaanno ka soo jeeda gobolladda Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle. Sidoo kale waxa weftigan ka mid ah Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

\Hargeysa Somaliland

Xigasho:— Dawannews.com

COMMENTS
Latest News