Hangoolnews.com
Halkan Ka Akhri Magacyada Hogaanka Cusub Ee Maanta Loo Doortey Guddidii Guud Ee Beelaha Garxajis.
August 20, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:– Guddigii 21-ka xubnood ahaa ee lagu doortay Shir-weynihii Beellaha GARXAJIS ee Todobaadkii hore Hargaysa lagu soo gabo-gabeeyay,ayaa maanta waxay kullankoodii ugu horreeyay ay ku yeesheen Hotelka Ambasaddor ee Caasimadda Hargaysa.

gar

Kullankan oo ay u dhammaayeen Dhamaan Xubnaha Guddiga Guud,ayaa waxa lagu gorfeeyay hawlaha shaqo ee u yaalla guddigga iyo talaabooyinka ay tahay inay qaadaan inta lagu guddo jiro Muddo-xileedkooda oo ah Saddex sanno.

Falan-qeyn iyo rog-rogis badan ka dib,waxa halkaas lagu doortay Afar xubnood oo Majaraha u hayn doona Gudigga saddexda sanno ee soo socota,iyadda halkaas lagu doortay Gudoomiye,Ku-Xiggeen,Xog-haye iyo Qasnaji,kuwaas oo dhamaantood cod aqlabiyad ah ay Xubnaha kale ee Guddigu ku meel-mariyeen.

Hogganka sare ee guddigga,ayaa waxa l;oo doortay sida tan;

  • Suldaan Axmed Caddo-gudde,Guddoomiye
  • Ali Fayr,Gudoomiye Ku-Xiggeen
  • Maxamed Geel-jirre,Xog-haye Guud
  • Axmed Maxamed,Qasnaj

Guddigan,ayaa maanta waxa si toos ah u guddo-galayaan hawlaha shaqo ee shir-weynihu u igmaday,waxaana hortaalla shaqo adag,taas oo u baahan dhabar adayg iyo inay shaqo muuqata ka qabtaan baahiyaha Deegaamadda ay kasoo jeedaan ee dhaqan-dhaqaale.

 

COMMENTS
Latest News