Hangoolnews.com
Muxuu Salka Ku Haya Xadhiga Fanaaanada Caanka Ah Ee Hodan Cabdiraxmaan Oo….
August 19, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews.Com:—- Fanaanada Caanka Ah Ee Hodan      Cabdiraxmaan Dheer Ayaa Lagu Xidhey Jeel Ku Yaala Dalka Denmark.

Fanaanadan  Iyo Fanaaniin Kale Oo Ay Wada Socdeen Oo Bandhig Faneed Ka Waday, Todobaadadii Ugu Danbeeyay Dalka Kenya, Ayaa Horeentii Todobaadkan U Duushay Dalka Jermalka Iyada Oo Ku Soo Bandhigeysay Bandhig Faneed Iyada Iyo Fanaaniin Kale./

yada Oo Fanaanadani Maalinkii Shalay Ahaa Ay Fanaanadan Iyo Xubno Kale Oo La Socday Ay Ka Gudbeen Xuduuda Dalka Jermalka Una Gudubtay Dhanka Wadanka Denmark Ayaa Lagu Qabtay Xuduuda Dalkaasi, Intaas Ka Dibna Loo Dhaadhiciyay Mid Ka Mida Jeelasha Dalkaasi.

Waxaanay Fanaanadani Xidhan Tahay Mudo Dhan Laba Cisho, Iyada Oo Sababta Xadhigeeda Keentayna Ay Tahay Xuduudaasi Ay Ka Gudubtay, Waana Markii Ugu Horeysay Ee Dalkani Lagu Xidho Fanaanad Caanka Ah Gayiga Soomaalida.

Hangoolnews.Com

Hangoolnews@Gmail.Com

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
Latest News