Hangoolnews.com
Madaxwayne Siilaanyo Oo Saaka U Amba Baxay Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool.
August 19, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Waftigii uu hogaanimaayey Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ee shalay ka ambabaxay Magaalada Hargeysa aya habeenkii xalay ahaa u hoy,day magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar,

Waftiga Madaxwaynaha ayaa sida wararka naga soo gaadhaya deegaanadaasi ayaa sheegaya in Waftigu ay saaka ka ambabaxeen magaalada Caynaba iyaga oo usii jeeda Magaalada Laascaanood halkaasi oo uu xadhiga kaga jari doono daah furka diwaan galinta codbixiyayaasha oo la filayo in maalinta bari ah laga bilaabo gobolka Sool.

Waxaana sidoo kale la filayaa inuu madaxwaynuhu kulan la qaato madax-dhaqameedka gobolka sool iyo siyaasiyiintii ka socday kooxda Khaatumo ee wada hadalka la furay dawlada Somaliland.

Dhanka kale waxa iyaguna saaka hiirtii magaalada Hargeysa ka socdaalay hogaanad asxaabta siyaasada Somaliland kuwaasi oo halkaasi kaga qayb galaya diwaan galinta cod bixiyayaasha ee gobolka Sool.

Hangoolnews.com

Burco/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News