Hangoolnews.com
War: Deg Dega:— Dil Fool Xun Oo Ka Dhacay Degmada Arabsiyo Iyo Xaalada Degmadu Imika Ku Sugan Tahay 
August 17, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews.Com:— Inaa Ilaalaahi Wa Inaa Ilayhi Raajun Alaa Haw Naxariiste Waxaa Dooxa Arabsiyo Lagu Toogtay Marxuun La Yidhaaho Faarax Baashir Faarax Ayaa Lagu Toogtay Dooxa Arabsiyo Abaaro Saaka Tobankii Subaxnimo.

Waxaanay Wararku Sheegayaan In Wiilkan Dilkiisa Loo Adeegsaday Baastoolad Iyada Oo Aan Ila Hada La Heyn Cida Dilkiisa Ka Danbeysay

Waxana Wiilkan Wehelineysay Gabadh Ka Hor Intaan La Toogan Hase Ahaate Waxaa Gacanta Ku Haya Gabadhi Ciidanka Booliska Ee Degmada Arabsiyo.

Waxanay Dadka Deegaanka Oo Shabakada Hangoolnews Ay La Xidhiidhay Ay Noo Sheegeen In Wiilkani Lool Cararay Dhanka Dhakhtarka Dhaawiciisa Halkaasina Uu Ku Dhintay Isaga Oo U Dhintay Dhaawicii Ka Soo Gaadhay Rasaastii Ku Dhacday

Ciidanka Ayaa Wada Baadhitaan Ku Aadan Sababta Dilka Wiilkani Keentay, Mana Jiro Wax Warara Oo Intaas Dheer Oo Ka Soo Baxay Dilka Wiilkani

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordhana Waxaanu Idiinku Soo Gudbin Doona Wararkayaga Danbe

Hangoolnews.Com

Hangoolnews@Gmail.Com

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
Latest News