Hangoolnews.com
“Harawo Iyo Habar-waa” W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi
August 17, 2016 - Written by Hangool

Waa wiil yar oo madaw oo dhashay habeen madaw, waxa uu ku dhashay guri madaw, waxa qabatay gacan madaw, wuxuu qaabilay nolol madaw, wuxuu yimi waddan madaw, oo ku yaalla qaarad madaw. Hooyadii waa Siraad Rooble waxay u dhaxday Maygaag Madoobe oo askari saban saban kii galay ah. Itaal badan kuma jiro gabadh yar oo ay walaalo yihiin oo Jabbuuti joogta ayaa wax yar tartarta. Waa nin iska niyad san oo laakiin sabool ah. Siraad waxay ku ilma aroortay Habarwaa sagaal billood oo adag ayey caloosha ku sidday, cunto waxa uu ahaa dhuxusha oo ay calaashan jirtay, oon xoolaadna ha sheSeggin. Waxa la dagay nafaqo darro iyo ciidan xumo. Way dhiig baxday nasiib darro may helin irbaddii dhiig joojinta. Habar-waa waxa koriyey habaryartii oo nin carabta ku maqani u dhaxday. Muddo yar kadib markii uu adkaaday waxa soo kaxaystay aabbihii oo u keenay gabadh cusub oo uu guursaday.
Gacan arxan daran ayuu soo galay Habar-waa, ma magaca aaya’da ayaa xun? Mise aaya’da laftarkeeda ayaa xun? Saddexda waqti hal waqti oo u badan hanbada guriga ka soo hadha ayey jaqaf ugu riddaa, markaasuu isagoo indha xun xun oo xammeetiya leh dhigaya oohin iyo yuus ku cunaa, mararka qaarkood ayey kab ku maguujisaa iyadoo ku aamusiinaysa naga aammus tii ku dhashay… Markaasuu indha calakud ah ku soo yuubaa. Cuqdad iyo nolol xun ayuu ku koray inkasta oo uu hagaasay waxa uu noqday nin aad u dhuubban oo dhako fiiqan leh iyo lugo dhuudhuuban.

Maalin ayey sonokr uga diratay reer ku dhaw kolkasuu isagoo ordaya la kufay, waxa la gu abaaliyey casho la’aan iyo garaac xun oo jidhku damqaday. Wuxuu halhays u lahaa “Alla hooyooy” markaasay ugu jawaabi jirtay “Hooyadaa waa oo hoog la gaaga bax” Wuxuu la dhashay afar qof laba gabdhood iyo laba wiil oo uu ka wayn yahay isagu ka ugu weyn saddex sannadood. Mararka qaarkood waxa dhici jirtay in ay ku dirto carruurta oo tidhaahdo dila iyaguna ay ku figaasaan, mid qaniina, mid dhurbaaxa, iyo mid ku wareega sida giraanta oo aan ka ba faaruqin. Isagana waxay ka ilaalilsaa inuu is loodiyo oo inuun wax iska celiyo, hal kaas buu ka ga qayliyaa “Alla Hooyoow” Xaabada, biyaha, dabka, sonkorta iyo shaaha madaw, milixda, intaba isagaa ka doona dukaan ka tuulada. Markuu yimaaddana dhangad iyo dhurbaaxo ayaa la gu hafiyaa, sababtana waxa la ga dhigaa waad soo raagtay.

Caagga weyn ee biyaha la gu doono kaligii ayey u dhiibtaa isagaa soo dhaamiya maalin kasta, mararka qaarkood ayuu biyaha badh iska qubaa culays badan dartiis, laakiin wuxuu la kulmaa garaacis oofo goys leh iyo dhabanaanno dhaguhu ku qarxaan. Habeen kasta wuxuu ka qufacaa feedhaha guntooda hoose cidina ma siiso wuxuu dhaxanta ka huwado, saacad kasta waxay caydaa hooyadii oo ay tidhaahdaa sankaasi waa kii hooyadii, ilkaha iyaduu ka raacay, caruurtaydu waa aabbahood oo halkaas taaggan, markaasuu hoos u ooyaa, miyuu arkayba hooyo waaba Habarwaaye.
Habeen badh ayuu roob Mahiiggaan ahi biyo shubay oo ku hooray tuuladii, buulkii yaraa ayaa ku darrooray dhammaantood waxay wada istaageen goob cidhiidhiya, waxa xafiiltamay oo is cidhiidhiyey Habarwaa iyo walaalkii oo dhalasho ahaan ku xiga, Habarwaa ayaa riixay oo istaagay meel aan dhibicda roobku ka soo gaadhayn, kii yaraa ayaa afka furtay oo ku qaliyey alla hooyooy, islaantii qaylo iyo musanaw ayey iskugu dartay Habarwaa, intay surka qabatay oo ku dhegtay foodda hore ayey jiidday sidii neef xoola ah, kolkaasay dibadda iyo roobkii u saartay.

Habarwaa qaylo iyo oohin ba waa isku daray, xagga sare roob daran ayaa ka dhaguugaya, waxa u dheer dabayl iyo dhaxan qabaw oo roob ku wato. Qaylo toddabada sammo iyo toddobada arlaba la ga maqalayo ayuu la jilbba joogsaday laakiin nasiib darro Faadumo ma maqlayn inay maqashana ma rabto, waxay ku cecelinaysaa ma hooyadaa ayaad I moodday isaguna wuxuu miciinbiday “Alla hooyooy” wxuu aamminsanyahay inay hooyadii maqlayso markasta oo uu ooyo. Waayo iyadaa ku tidhaahda qabriga ka soo toosi ha kuu timaaddee bal inay wax I ga qaaddo aniga.!

Goor danbe ayuu miyir door soomay oo juuq iyo jaaqba joojiyey afka ayuu ciidda la galay, gaajo iyo dhaxan badan ayaa sabab u ahaa inuu suuxo. Markii ay maqli wayday sanqadhiisii uu raarta guriga kolba doc ka ooyayey, ayey dareentay inuu xaalad kale galay. Waxay is waydiisay inuu Waraabe afka afka u galiyey oo la haaday sidii wax waalan, iyo inuu iska lugeeyey oo reerahaa kale naf mooday, meshaba may soo dhigan ninkii Habarwaa waa miyir beelay oo halkanuu lugta taagayaa. Markii ay aragtay xaaladdiisa waxay u carartay reer u dhaw waxaanay waydiisatay ciidan, laba koray oo geel jir ah ayaa soo raacay waxay tidhi “Alla wax ma siiyey xalayba maannu arag, imminka oo aan kaadi u soo baxay markii roobku yara qaaday ayaa arkay Habarwaa oo ardaaga hortiisa ku miyir la’.”

Labadii kuray way caawiyeen afkay afka u galiyeen naqaskii bay ka soo saareen, shaah bigays ah iyo jiidh qalalan, iyo caano badha ah ayey afka ugu qabteen, raashinkuna guriga uun buu yaallay ee meel kale looma doonin. Sidaasuu maalmo kale Habarwaa ugu sii jiray noloshaas qallafsan ee uu u hooyada waayey.

Goor galab ah ayuu ka yimi tuulada isagoo sida saliid yar uu bac ku xidhan, markaasay kala boodday iyadoo karooxaysa, waxay afka saartay dhardhaarradii oo ay xansas yaryar dul yaallaan, markaasay u yeedhay waxay waydiisay wuxuu qabanayo wuxuu yidhi, waan daallanahay oo waan yara nasanayaa, waxay tidhi “Dabka inoo shid” kolkaasuu dabkii gaas ku shiday iyo kabriid afarta calaacaloodba intuu dhulka dhigay ayuu afuufay, qaydkii yaraa ayaa ka gubtay markaa suu go’ii qaylo tuuray, loomase miciinin.

Aabbihii inta badan guriga ma yimaaddo wuxuu ilaaliye ka yahay bakhaar nin qaraabada ahi leeyahay oo uu habeen kii seexdo, guriga waxa uu yimaaddaa bishii mar maadaama uu ka shaqeeyo meel ka durugsan tuulada.

Waxay ku tidhaahdaa aabbahaa ha u sheeggin in la gu dilo haddii kale waan ku eryayaa waraabuhu ha ku cunee. Reer dariska ah ayaa odaygii farriin u diray oo yidhi ninka yar meesha ka kaxee, odaygii warkii markuu helay ayuu gurigii goor galab ah u soo carraabay. Waxaannuu fiiriyey xaaladda wiilka iyo dhammaan carruurta yaryar. Waxa dhibaato ah muu arag. Indhihiisu waxay qabanayeen wiil kii sii oo timaha loo feedhayo oo dhar nadiif ah loo xidhayo. Nuskii danbe ee habeen kii ayuu uga warramay sababta uu guriga caawa u yimi inay tahay Habar-waa farriintaasna uu helay. Waxay ugu jawaabtay ninka warka kuu keenay ee inala jaarka ah khaati billaahi baan ka taagganahay, waanuu i rabaa, ee ha dhagaysan, Rooble wuxuu galay jawi illowsiiyey Habar-waa oo uu kaga fikaray waxa uu ka yeeli lahaa ninkan gabadhu ka cabatay.

Habar-waa wuxuu noqday gaashaan qaad magaalada galay oo kuulli, saqeeye, kirishbooy, digo xaadh, xarraas, wax alla wuxuu arko madaxa galiya. Shaqo kuullia ah ayuu ka helay shirkad guryaha dhista wuxuu kafeeyey noloshiisii oo uu ku soo celiyey xaalad caadi ah. Aabbihii waxa ku dhacay TB, xun oo uu qufac ama Hargab u haystay ayaa dhulka soo dhigay waxaanuu noqday mid iska jiifa docda habartiisa. Habar-waa inkasta oo uu cuqdad qabo isla markaana uu ogyahay karti darrada aabihii iyo nacaybka aaya’diis, marna ka muu tagin naxariista aabbihii. Wuxuu u qoray biil joogto ah, laakiin biilkaasi wuxuu noqday mid aabbihii dawo iyo daryeelba ka waayey.

Gogosha uu ku jiifo Injir baa ku dhalatay, sidaas buu isku xoqayaa qufac joogto ah iyo itaal darro badan ayaa ka muuqata. Muddo badan jidhkiisa biyo ku ma shubin, Faadumo, sanka ayey ka qabsatay carruurteediina way ka ilaalisay qadhmuunkiisa iyo qufaciisa. Markay cuntada siinayso iyadoo afka duuban ayey hal tallaabo u jirsataa isagaa soo tiigsada bariis ka cad ee bilaa nafciga ah. Biyaha iyo sharaabkuna iyada iyo caruurteeda ma soo dhaafaan.

Faadumo waxay u adkaysan wayday taaha iyo reenka Maygaag, go’aan ayey qaadatay ah inay isakaga guurto odaygan xun ee nolosha ku uray. Xilli habeennimo ah ayey ka dul guuraysay iyada iyo afarteedii qof. Maalin kaliya may odhanin hooyo aabbahayo maxaad sidan ugu galaysaa mar walba waxay la aragti ahaayeen hooyadood oo ahayd abaabula kicisa dareenka dadka oo isku dubba ridatay aragtida afarteeda qof. Saddex habeen ayuu ka sii qufacayey waabtii yarayd ee uu jiifsan jiray habeenkii afraad waxa u yimi Waraabe wuxuush ah oo hungureeyey hilbahaa TBda qaba. Dadka tuulada yar deggani way ka warqabaan colaadda waraabuhu u qabo iyo sida uu habeen kii oodhan ugu agmeero.

Qaylo iyo hadal midna ma samayn karo, awood darro, itaal darro, caafimaad
darro, iyo ciidan darro ayaa heshay Maygaag halkii baanu ku allaystay.
Toddoba cisho ka dib waxa warkii maqlay in gurigii la ga guuray Habar-waa waliba waxa uu maqlay in aabbihii halkaa la gaga tagay. Orod iyo hiin raag ayuu ku yimi kobtii uu dagganaa oo aannu jaclayn inuu indhaha saaro isagoo diiddan inuu xasuusto wakhtigii xumaa ee uu ku soo maray baradan. Laakiin waxa uu idhaha saaray wax ka xun wax kasta, waxa uu indhaha saaray wax la arko wax ugu xun. Hortiisa waxa yaalla lafihii aabbihii shaki ka gama jiro in aabbihii la ga guuray waayo wuxuu garanayaa arxanka aaya’dii. Halkii ayuu habeen kii u hoyday lafihii aabbihii dushooda, dab badan ayuu iska shitay jacayl badan u mahayo aabbihii waayo aabbihiiba jacayl aabbennimo habeenna muu tusin ninkaa wuxuu ahaa habeen kasta ku seexanaya oohin iyo naxariis darro. Subixii markuu waagii baryey ayuu lafihii aabbihii go’iisii ku ururiyey waxa uu la istaagay waddadii gaadiid ka halkaas ayuu kolba mid gacanta u taagaa. Goor danbe oo casar ah ayuu helay gaadhi sidii baannu ku yimi magaaladii oo isla habeenkiiba la aasay lafihii uu sitay Habarwaa.

Harawo waa agoon iyo rajey aan arag nolol wanaagsan oo u qalanta, waxa koriyey eeddooyinkeed oo aan lahayn khayr fara badan. 7-jir maalintay ahayd ayaa la gu daray adhiga subixii ayaa caaggad biyo loogu shubaa giddi maalintii oodhan waxay ku jirtaa daba socodka adhigaa, mid gees ku dhufta, mid kaga istaagga cagta oo ciddi adag ku qabta, kuwo iska feeraara oo iniba dhan u kacdo, qaar kale oo dacawo ka hiigto oo aanay war u ahayn, qodax ku carceerta oo ay maalintii odhan fadho si ay iska ga soo saarto. Habla yaryar oo khaati billaahi ka dhiga oo iskugu taga, kuwo kale oo ay sheeko wadaagyihiin oo xooluhu iskaga darsamaan hadhowna badh kaga kaxaysta xoolahooda, kuray yaryar oo isu soo tilmaama geedka ay joogto oo maalin oo dhan afkeeda eegaya iyana ay eegayso hadalkooga iyo odhaahdooda, dagaal joogto ah oo maalin walba laba iyo laba ay tahay oo naftii ka saaray, waxay ka fikirtaa goormay hebli kugu habsan. Waxaa intaa u dheer canaantii guriga oo wixii ay dayacday la gu canaanayo, naxariis kalana aanay ku qabin.

Goor fiid ah ayaa xoolihii ay la joogtay afar ka mida dawaco kala hadhay markaasay go’aan ku gaadhay inaanay ku noqon gurigii eeddo, ee ay adduunyada meel uun afka saarto. Waxay habeenkaa xoolihii afka u saartay reer jees ah oo ay hablahooda isyaqaanneen, halkii ayey habeen kii seexatay subaxiina waxay afka saartay dhinacii magaaladu ka xigtay, waxa dhexda ka qaaday gaadhi jaadle ah oo ku simay magaaladii ay u socotay. Waxay toyatay gabadh u habaryar ah oo in badan loogu sheegi jiray magaaladaas, markii ay haybteeda sheegtay iyo magaca qof ka ay rabto iyo haybtiisa gacantaa la qabtay waana loo geeyey ardaagii ay u socotay.

Waxa ay gashay nolol noloshii miyiga ka yara fudud inkasta oo ay wayday asxaabteedii ay inta badan wada joogi jireen. Shaqo guri oo ay u ragto raaxo adduun ayaa la gu ibbo furay laakiin iyada waa u fudayd waayo waxay ka timi hayaan joogto ah, harraad joogto ah, hadal joogto ah iyo hawl joogto ah.

Muddo kadibna way iskala qabsatay iyadoo waliba xuub dhacsatay oo midab aan caaddi ahayn yeelatay. Jidh ahaanna way is baddashay oo baradhadii iyo khudraddii magaaladu waxay ka faa’idday dubaaxis iyo inay noqotay qof jimcoon oo horraaddada iyo haybadda ka muuqata aad yaabayso.

Aroos ayey ku kulmeen iyada iyo Habar-waa waxaad mooddaa inay isyaaqaaneen, ma dayacii iyo noloshii xumayd ayey isku barteen, mise xilligii oohinta ayey niyaddoodu isu iman jirtay, mise marka la canaanto ee hooyadood la caayo ayey isu caban jireen, agoonnimada waa wadaagaan, hooyo la’aantana waa wadaagaan, gacan xun iyo guri xun inay ku koreenna waa wadaagaan, cuqdadda iyo ciil qabkana waa wadaagaan, cabashada iyo catowgana waa wadaagaan, codka iyo cawayskana waa wadaagayaan.

Lays toyayey, la suna sheeg la bada magac waxaad mooddaa in laysku dooray caqabad aad u weyn wuxuu ka la kulmay xidhiidh ay la lahayd wiil kale, waxa adkaatay inay si fiudud ugu gacan banaanaato Habar-waa, calool xanuun iyo cod dhiillaysan ayuu la hor iman jiray Harawo habeen kasta.waxay ku tidhi ninkan aan la sheekaystaa kaa wacan, kaana abti wacan, kaana aabbe wacan, ma doonaayo inaan noloshii aan ku soo koray aan ku sii noolaanno aniga iyo ubadkaygu. Habar-waa, Harawo ma hidde xumuu ku waayey mise nolol xumo?

W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi
Bulay571@gmail.com

Facebook Maxmaed Aadan Tarabbi

 

COMMENTS
Latest News