Hangoolnews.com
Guantanamo Bay: Maxaabiis loo wareejiyay Imaaratka Carabta
August 16, 2016 - Written by Hangool

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegaysa in 15 qof oo lagu hayay xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba loo wareejiyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramaysa in 12 maxbuus oo ka mid ah dadkaasi ay u dhasheen dalka Yemen sidoo kalana ay jiraan kuwo u dhashay dalka Afghanistan.

GuantanaWaa tiradii ugu badneyd ee maxaabiis ah ee la wareejiyo intii uu xilka madaxtinimada Mareykanka hayay madaxweyne Obama.

COMMENTS
Latest News