Hangoolnews.com
Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ku Guul Daraystey Buuxinta Jagadii Wasiir Xirsi Baneeyey Iyo Isku Shaan-dhayntii Xalay Oo Laga Dareemay Gal-Daloolooyin Aan Hore Loo Arag.
August 15, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:— Wasiirka Madaxtooyada haatan ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu jagada xilka wasaaraddan la wareegay dabayaaqadii sanadkii aan ka soo gudubnay ee 2015-kii kadib markii uu xilkaasi iska cadsilay ex wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan isla markaana kamid ahaa wasiiradii tirada badnaa ee saluugay doorashadii ka dhex Dhacday xisbiga KUMLIYE.

Waxaana intii uu xilkani hayay Maxamuud Xaashi  soo baxayay gal,daloolooyin kala duwan oo ka soo ifbaxay aqalka madaxtooyada Somaliland tan iyo intii uu meesha ka baxay Wasiirkii sida wayn mudadii shanta sano ahayd u hantay quluubta shacabka reer Somaliland ee Xirsi,iyada oo jagadaasi maalintii uu is casilay loo soo wareejiyey Maxamuud Xaashi Cabdi oo xilligaasi ahaa Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada.

Xirsi And Xaashi

Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu dhinaca siyaasada kaga soo horeeyey wasiir Xirsi ayaa bulshada Somaliland waxay su,aalo kala duwan iska waydiinayeen in uu awoodi karo buuxinta jagadaasi balse arintaasi ayaa noqotay mid u Dhacday sidii ay qabeen dadka badankiisu oo ahaa in aanu awood u lahayn Maxamuud Xaashi Buuxinta Jagadaasi.

Tan iyo intii uu hayay xilka oo haatan ku siman ku dhawaad hal sano ayaa waxa dalka soo maray dhacdooyin kala duwan oo aad u adkaa kuwaasi awal horeba dalka ka dhici jirey balse uu go,aankeeda iyo fulinteeda si deg deg ah uga soo bixi jirey Wasiirkii hore ee Xilligaasi.

Balse mudadii uu meesha ka baxay ay si wayn u dareemeen guud ahaan bulsho waynta Somaliland iyada oo dhacdooyinka uu la kulmay Maxamuud Xaashi Cabdi ay noqdeen qaar loo maaro waayay amaba in mudo ah soo jiitantay sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhacdooyinkaasi.

Dhanka kale Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo ahaa Damal ay dhamaanba shacabka reer Somaliland hadhsadaan ayaa waxa uu isku bedelay intii uu la wareegay wasiir Maxamuud Xaashi mid galaan oo kaliya  dad faro ku tiris ah oo uu isagu dano gaar ah ka leeyahay,iyada oo ay taasna muujinayso cadayna u tahay in qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada kuwii ugu dhawaa Madaxwayne Siilaanyo aanay in mudo ahba ka xaadirin Madaxtooyada.

Geesta kale arinta xusida mudan ee ah in aan dul istaagno ayaa ah dhinaca hab maamul ee wareegtooyinka ka soo baxa xafiiska madaxtoyada gaar ahaan kuwa isku shaandhaynta ah ayaa noqday intii uu meesha ka baxay Ex Wasiir Xirsi qaar aan waafaqsanayn nidaamkii ay hore uga soo bixi jireen madaxtooyada oo iyagu ahaa kuwo laga soo baaraan-dagi jirey,balse haatan ay soo baxaan wareegtooyin ay qaladaad iyo gal-daloolooyin ku jiraan ayna kamid tahay digreetooyin hal maalin soo wada baxay balse kala danbeeyey mudo saacado ah iyo sidoo kale masuuliyiin hal xil loo wada magacabay ayna kamid ahaayeen digretadii madaxwaynuhu soo saaray ee ay xilka kaliya ku wada magacawnaayeen labada masuul ee kala ah gudoomiyihii hore ee gobolka saaxil Fahmi Cabdi Bidaar iyo Cabdisamad Cumar Maal oo labada loo wada magacaabay xilka la taliyaha madaxwaynaha ee hay’addaha caalamiga ah.

Waxa kale oo mid la yaab ku noqotay bulshada Somaliland isla markaan ay hadal haynteedu badnayd isku shaan-dhandhayntii ugu danbaysay ee soo baxday habeenkii xalay ahaa taasi oo noqotay middii ugu horreysay ee si waadix ah bulshadu ay usii ogayd,iyada oo aan marnaba dalka ka dhicin mudadii shanta sano ahayd ee uu Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan hayay Xilka Wasaaradda Madaxtooyada in lasii ogaado cida ay la kacayso seefta madaxwaynuhu marka laga reebo wasiirka madaxtooyada balse lagu war heli jirey uun isku shaandhaynta uu golahiisa ku sameeyo madaxwaynuhu.

Si kasteba ha ahaatee wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ah isagu wasiir u muuqda mid ku fashilmay buuxinta booskii uu baneeyey wasiir Xirsi,iyada oona bulshada Somaliland aad ula yaaban tahay is badalka wayn ee ku yimi madaxtooyada intii uu la wareegay xilka wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi,

Waxaana shacab waynaha somaliland badankoodu ay qabaan in ay wali u baahan tahay Aqalka Madaxtooyadu wasiir hayyin ah oo hagi kara hawlaha qaran ee madaxtooyada iyo dalka Somaliland-ba..

Hangoolnews/Staff

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa Somaliland

COMMENTS
Latest News