Hangoolnews.com
War Degdeg Ah Shil Gaadhi Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Wadada U Dhaxsya Hargeysa Iyo Berbera.
August 15, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Shil gaadhi oo saaka Subaxdii hore ka dhacay wadada  dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera gaar ahaan tuulada xamaas ayaa sababay dhimashada Afar qof iyo dhaawaca sadex ruux oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaadheen,

Shilka ayaa waxa uu dhacay ka dib markii ay isku dhaceen gaadhigaasi yare e ah nooca lo yaqaan Nouh iyo sidoo kale gaadiidka xamuulka qaada gaar ahaan mid ka mid ah kuwa loo yaqaan Candho maydhle.

Dhaawacyada dadkii ku dhaawacmay ayaa waxa la soo gaadhsiyey cusbitaalka guud ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Isku dhacyada gaadiidka ayaa inta badan ku soo noq noqda wadada u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera kuwaasi inta badan galaaftay nafyow aad u badan.

Wali kama ay hadlin ciidamada nabadgalyada wadooyinka ee Somaliland arintani

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News