Hangoolnews.com
War Deg Deg Ah Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Xilliga La Qabanayo Wareegii Labaad Ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland.
August 15, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Wasaaradda Dhalinyrada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa waxa uu sheegay in ay bilaabayaan wareegii labaad ee ciyaaraha Gobolada Somaliland ee qybtoodii hore lagu soo gunaanaday magaalada Boorame,

Maydhane

Wasiirka oo ka hadlaayay xaflad loo qabtay xil wareejintii Gudoomiyayaasha Hogaankii hore iyo Kan danbe ee ciyaaraha Fudud ee Somaliland ayaa a waxa uu sheegay in dhamaadka diwaan galinta Cod bixiyayaasha Somaliland ee dalka ka socda la qaban doono ka dib la qaban doono Koobka Ciyaaraha Gobolada.

Iyada oo diwaan galinta cod bixiyayaasha oo haatan maraya gobolkii ugu danbeeyey ee Sool la filaayo in ay ka bilaabmaan gobolkaasi badhtamaha bishan ogosto ee aan ku jirno kuwaasi oo socon doono mudo 28 maalmood ah.

Hadalka Wasiirka uu ku sheegay in ay qabanayaan ciyaarihii gobolada Somaliland ayaan lahayn maalin rasmi ah oo uu ku mudeeyey  in ay bilaabmayaan Ciyaaruhu.

Balse hadalkiisa ayaa u ee kaa mid mala awaal ah oo uu ku rajo wayn yahay in kaliyaata ay qabtaan marka ay dhamaadaan diwaan galinta taasi oo aanay waxba iska khusayn Wasaarada Ciyaaraha Somaliland iyo diwaan galinta dalka ka socotaa.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News