Hangoolnews.com
“Qolo Joogta Xaafadaha Xamar Ayaa Somaliland U Bedelay Dir Waqooyi” – Cabdi Wali Gaas
August 15, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:— Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay in Sool, Sanaag iyo Cayni ka mid ahaayeen Somaliland xilligii maxmiyadda Ingiriisku ay haysatay, balse imika deegaan ahaan iyo dad ahaanba ay ka mid yihiin Puntland, islamarkaanna wuxuu xusay in dad ku nool xaafadaha xamar ay Somaliland u bedeleen Dir Waqooyi.

Dr Cabdiweli Gaas wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Wariye Cali Xaraaro oo ka tirsan teleshinka Kalsan Tv. “Dadka Somaliland sheeganayaa, haddii Somaliland loo yaqaanno maxmiyaddii hore ee ingiriiska, dadka degan Sool,,Sanaag iyo Cayn,xilligii  maxmiyaddii ingiriiska waxay ka mid ahaayeen goboladdaasi Somaliland. Haddana Puntland ka mid bay yihiin  dawlad ahaan, degaan ahaan iyo dad ahaanba. Markaa inay miisaanka  labadda gobolba wax ku yeeshaan waa waajib. Marka cidii kale ee iyadu ka hadlaysa iyadda ayay jirtaa, loonna joojin maayo, dad jira oo soo taagan xuquuqdooda lama duudsiyi karo, in marna la yidhaahdo Somaliland baanu nahay oo waa naga mid, marna la yidhaahdo dir Waqooyi baanu nahay oo nimanka halkaa degani naguma jiraan, wax isqabanaya maaha. Waxa warkaa waddaanna waa qolo joogta xaafadaha Xamar ayaa Somaliland u bedelay Dir Waqooyi.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho:- Ogaalnews.com

 

COMMENTS
Latest News