Hangoolnews.com
Gaadhi  Iyo Hub Loo Adeegsan Jiray Dilalka Gobolka Mudug Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay Iyo —-
August 15, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:— Ciidamada Kumandooska Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa Puntland-Soomaaliya ee PSF oo weli howl galo ka wada magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay gaari iyo hub la sheegay in uu lahaa sarkaalkii u qaabilsanaa maleeshiyada al-Shabaab dilalka iyo weerada ka dhaca gobolka Mudug.howl gal (1)

Gaariga ayaa waxaa ku xirnaa labo taariko oo kala ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, iyadoo loo adeegsan jiray dilalkii ka dhacay magalaada Gaalkacyo.howl gal (2)

Gaariga ayaa waxaa ku xirnaa labo taariko oo kala ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, iyadoo loo adeegsan jiray dilalkii ka dhacay magalaada Gaalkacyo.

Madaxa ururka Shabaab ee dilalka gobolka Mudug ayaa magaciisa lagu sheegay Nuur Deeq, waxaana la xaqiijiyay in uu leeyahay gurigii lagu qabtay ninkii u dhashay dalka Suudaan ee shabaab u qaabilsanaa sancayta qaraxyada.

Waxaa laga soo qabtay gaariga koofurta magaalada Gaalkacyo, iyadoo gaariga noociisu uu yahay laanguruusal, isla markaana magaalada Gaalkacyo uu ka baxsaday Nuur Deeq  .

Hol galkan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan gacanta lagu soo dhigay xubno sare-sare oo ka tirsan maleeshiyada Shabaab, kadib howl galo laga sameeyey gobolka Mudug.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho:– Horseedmedia.com

 

COMMENTS
Latest News