Hangoolnews.com
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Puntland Oo Dil Toogasho Ah Ku  Fulisay Gaashaanle Dhexe —
August 14, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:– Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Puntland Ayaa Maanta Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Gaashaanle Dhexe Caydaruus Maxamad Kana Tirsan Ciidanka Daraawiishta Ee Puntland, Sida Uu Warbaahinta U Sheegay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Cabdixakiin Xasan FirdhiyeXukun Dil

Dilkan Gaashan Lahan Lagu Fuliyay Ayaa Ka Dhacay Bartamaha Magaalada Garoowe,Ee Caasimada Maamul Goboleedka Puntland.

Waxaanu Xeer Ilaaliyuhu Sheegay In Ninkan Dilka Lagu Fuliyay Uu Hore U Dilay, Ex Dable Xidigle Faarax Ismaacill.

Waxaana Goobtan Qisaastani Ka Dhacday Ku Sugnaa Maamulka Degmada Iyo Ka Gobolka Nugaal Iyo Saraakiisha Ciidamada Abniga.

Hangoolnews.Com

Hangoolnews@Gmail.Com

Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
Latest News