Hangoolnews.com
Halkan Ka Akhriso Qodobada Ka Soo Baxay Shirwaynahii Beelaha Garxajis Oo Maanta Si Rasmi Ah Loogu Soo Gabo Gabeeyey Magaalada Hargeysa.
August 14, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Magaalada Hargeysa waxa maanta si rasmi ah loogu soo gabo gabeeyey shirwaynihii la magac baxay Tol Wanaaje labadii cisho ee ugu danbeeyey ka socday ee Beelaha Garxajis,

Kaasi oo lagu qabtay huteel Maroodi jeex ee bariga magaalada Hargeysa iyada oo ay ka soo qayb galen shirkaasi cuqaal iyo madax dhaqameed beelaha garxajis oo iskaga kala yimi deegaano kala duwan.

gar

Waxaana laga soo saaray laga soo saaray todoba qodob oo ay isla afgarteen ergooyinkii kala duwanaa ee halkaasi iskugu yimi

1–Wuuxuu shirku isla qaatay ilaalinta iyo xoojinta midnimada nabadgaliyada bulshada,madax banaanida iyo gooni isku taaga qaranimada Somaliland ee lama taabtaanka ah

2–Waxa kale oo shirkan lagu gorfeeyey xaalada hadda dalka iyo dadkuba ku jiro ee wakhtigan kala guurka ah ee doorashooyinka kala duwani ina soo food-saareen iyo filashada ay kaa naaloonayso bulshada Somaliland oo qayr iyo wanaag laga filanyo insha allah

3–Shirka waxa kasoo baxay kuna talinayaa in doorashooyinka madaxwaynaha iyo doorashooyinka golaha wakiilada ay iyagu ku dhacaan wakhtigii loogu tala galay lagana digtoonaado wax kaste oo oo keeni kara inay xumeeyaan nabad galiyada qaranka Somaliland.

4–Shirku wuxuu taageerayaa taalaabo kaste oo horumarineed oo loo baahnaa oo cadaalada oo ay xukuumaddu qaaday ,waxkaste oo horumar ah oo xukuumadda Somaliland qaadayna shirku si buuxda ayuu u taageersan yahay

5–Shirku wuxuu baaq nabadeed u dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka bacaha ee deegaanka darar wayne ee gobolka sanaag,waxaanuu shirku codsanayaa in waxii ay labada beelood kala tirsanayaan lagu dhameeyo walaalnimo iyo wada hadal arinkana lagu soo dabaalo nabad galiyo

6–Wuxuu shirku ansixiyay 21 xubnood oo guddi garxajis ah oo mayalka iyo hogaanka u qaban doonta bari laga bilaabo kana talin doonta danaha guud ee beelaha garxajis hadii alle idmo

Shirku wuxuu ansixiyay xeerkii hagayay ama ay ku qancayeen ee gudida xakamaynayay waajibaadkoodana tusayay

7–Ugu danbayn shirku waxuu ugu baaqayaa beelaha walaalahood ah nabad,isqadarin,wada noolaansho,gacaltooyo in la wada ilaashado qaran ku dhisan sinaan iyo cadaalad wadatashi isku tanaasul iyo isku joojintii caqabadaha qaran lagaga bixi jiray ee aynu ku caano maalnay

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News