Hangoolnews.com
Daawo: — Xafladii Mataaneynta Magaalooyinka Bosaso Iyo Minneapolis
August 14, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:—Magaalada Minneapolis ayaa lagu qabtay xaflad balaaran oo la xariirta mataaneynta magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota-USA iyo magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari, Puntland-Somaliya.

Duqa magaalada Bosaaso Yassin Mire Maxamuud iyo Duqa magaalada Minneapolis Ms.Betsy Hodges ayaa qalinka si rasmi ah ugu duugay mashruuca mataaneynta labada magaalo oo ay horey u ansixiyeen golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Minneapolis ayaa sidoo kale xaflad soo dhaweyn ah u qabtay Duqa magaalada Bosaaso oo todobaadkan booqasho ku tagay Minneapolis.

Magaalada Minneapolis ayaa ah magaalada ay degen yihiin Jaaliyadda ugu weyn ee Soomalida ku nool dalka Maraykanka, halka magaalada Bosaaso oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ay tahay magaalada ugu weyn iyo caasimada ganacsiga ee Puntland.

Halkan Ka Daawwo 

 

COMMENTS
Latest News