Hangoolnews.com
Wasiirka Ay Shaqadiisa La Wareegeen Masuuliyiin Dhigiisa Ah Xuseen Deyr Oo Hadal Aan Meel Gaadhsiisnay Ku Wareeray Madaxwaynaha Soomaaliya
August 13, 2016 - Written by Hangool

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr ayaa ku dul kufay Madaxwaynaha Soomaaliya ka dib markii uu gabay Xilkii u hayey Umada ee uu ugu suntanaa Qaranka oo ah Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland

Wasiir Dayr ayaan qayb ka ahayn guud ahaan hashiiska ay Xukumaddu la gashay shirka laga heleeyahay Wadanka isku taga imaraadka Carabta ee Dp World oo ahayd shaqadii uu Umadda u hayey balse  ay kala wareegeen Masuuliyiin dhigiisa ah

Taas oo keentay in ay baafiyaa xildhibanaada golaha wakiilada Somaliland ka dib markii ay waayeen  meel uu  kaga jira hashiiska Xukumaddu la gashay shirkada Carabeed ee gootada lagu xidhay Marsada berbera.

 

Wasiirka oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska ku hadla afka dawladda ee Dawan ayaa ku galgashay madaxwaynaha Dawladda Soomaaliya .

Halkan Kaga Boggo Waraysiga oo dhamaystiran

Wasiir Eng Xuseen Dayr oo waraysi gaar ah siiyay xalay  Wargayska DAWAN, ayaa intaa ku daray in Somaliland mar kasta ay diyaar u tahay in dalalka deriska inay kula noolaato nabad-gelyo, jaar wanaag iyo iskaashi isagoo geesta  kalena caddeeyay in qaranka Somaliland aanu u dul qaadan doonin daan daansiga iyo gardarrooyinka Dawladda Xasan Sheesh Maxamuud mar kasta kala kacdo Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga oo ka jawaabayay hadalkii deel-qaafka ahaa ee Hanti-dhawraha Muqdisho, waxa uu yidhi “Somaliland waa dal xor ah, una madax-bannaan danihiisa dhaqaale iyo siyaasadeed iyo nabad-gelyo iyo bulsheed  in uu isagu masuul ka noqdo,waxaanu leenahay Madaxwene la doortay iyo goleyaal qaran iyo dawlad ku shaqaysa rabitaanka iyo aragtida ay ummaddu doonayso.”

“Mashruucaa maal-galinta  iyo Casriyaynta Dekedda Berbera, dawladda Somaliland cidna u daba fadhiisan mayso annaga (Somaliland) ayaa xaq u leh oo talladiisa iyo qorshihiisaba leh. Xamar iyo cid kale toona waxba ka waydiin mayno laakiin  haddii ay iyagu garan waayeen sidii ay nabad-gelyo iyo horumar iyo nabad dalkooda ugu keeni lahaayeen  oo dekedoodii Muqdisho iyo Madaarkoodii Xamar dawlado kale ay u maamulayaan oo lagu aamin waayay u dul  qaadan mayno in ay Somaliland mar walba ku xoqdaan u dulqaadan mayno..waanan ognahay mar walba sida ay Xukuumadda Xasan Sheekh ugu mashuulsan tahay carqaladaynta iyo hagardaamaynta Somaliland iyadoo meel ay ka talisaaba aanay jirin.”

Wasiir Xuseen Aadan Cigge,  waxa uu xusay in Soomaaliya looga baahnaa inay wax ka bartaan dawladnimada shaqeynaysa ee Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Somaliland waxay mar walba mudnaanta koowaad siinaysaa in ay dalalka deriska kula noolaato nabad-gelyo is-faham iyo jaar wanaag, laakiin markay toodii maarayn waayeen in ay horumarka Somaliland iyo guulaha ay gaadhay in ay ka hinaasaan ma ahayn ee in ay daris wanaaga dhawraan ayay ahayd oo ay nagaga daydaan naguna Hambalyeeyaan.”

Wasiirka oo ka jawaabayay  su’aal laga waydiiyay xukuumad ahaan waxay kala socdaan socdaalka Xasan Sheekh Maxamuudka Soomaaliya ku tegay magaalada Jigjiga Xarunta DDSI iyo tallaabooyinka uu ku carqaladaynayo Somaliland,ayaa yidhi.”Run ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda DDSI waxay ka wada hadleen Somaliland  ahaan  nama khusayso,laakiin waxaanu ognahay in Xasan Sheekh in ku hawlan yahay mar kasta hagar daamaynta iyo carqaladaynta Somaliland taasoo uu geed hoose iyo mid dheerba u koray  kuna mashquulsan yahay qorshe dhagaraysan oo lagaga soo horjeedo qarannimada,madax-bannaanida Somaliland iyo Mashruuca balaadhinta iyo Casriyaynta Dekedda Berbera oo ah  Mashruuc aad u muhiim ah isla markaana horumarinta dhaqaalaha  iyo ganacsigaba  qeyb weyn ka qaadanaya. waa mashruuc isku furaya guud ahaanba ganacsiga geeska Afrika,waanu ognahay in Xasan Sheekh waayadanba  uu ku mashquulsanaa mashruuc hore oo guul daraystay oo ummadda Afka-Soomaaliga ku hadashaa ay ka dheregsan tahay  guul-daradii ka dhalatay iyo dhibaatooyinkii uu sababay kaasoo ah Midnimada Soomaali weyn. dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan Dawladda Federaalka Itoobiya waa dal aanu jaar nahay saaxiibtinimo wanaagsan iyo iskaadhi dhaqan dhaqaale ayaa naga dhexeeya. Xasanka Muqdishana loogama   baahna in uu ku dhex war wareego Saaxiibtinimada,walaalnimada iyo iskaashiga naga dhaxeeya Itoobiya. waxaa looga  baahan hahay in uu u maaro  helo tiisa iyo dhibaatada hoostiisa taalla wadanka uu madaxda u yahay.”

 

Dhinaca kale Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashigu waxaa uu u mahad-naqay kuna bogaadiyay mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland ee meel mariyay isla markaana xalaaleeyay heshiiska Xukuumadda iyo shirkadda Caalamiga ah ee DP World iyo  Wasiirradii hawshaa sida wanaagsan uga soo shaqeeyay.

Dhinaca kale Heshiiska oo Markii ay Xukuumaddu  la gashay Shirkadda DP World ee uu guul iyo is afgarad ku soo dhammaaday  ayuu Madaxweynaha Somaliland isagoo raacaya dastuurka qaranka Somaliland waxaa uu  xalaalaynta heshiiskaas u gudbiyay golaha wakiilada oo dood iyo falanqayn ka dib heshiiska maalgalinta iyo casriyaynta Dekedda Berbera cod aqlabiyad ah ku meelmariyay heshiiskaas oo guud ahaan bulshada reer Somalland gudo iyo dibadba soo dhawayeen,  iskuna raaceen in raasamaalkiisa dalku manaafacaadsan doono muddo dheer.

Hangoolnews

Hargeysa /Office

COMMENTS
Latest News