Hangoolnews.com
War:- Deg Dega:– Fanaanada Nasteexo Indho Oo Laga Hor istaagay Bandhig Faneed Ay Ku Qabanaysay Hutel Karoon Ee Magaalada Hargeysa Iyo Sababta
August 13, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:– Fanaanada Farxiya Fiska oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnayd magaalada Hargeysa ayaa laga joojiyay bandhig faneed ay ku soo bandhigeysay magaalada Hargeysa.

nasteexo

bandhig faneedkan oo ay  caawa ku soo bandhigeysay Hutel Karoon ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka horjoogsaday ciidanka booliska Somaliland, waxaana amarka lagaga joojiyey uu ka yimi oo ciidanka soo direy wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed kuna eedeeyey arimo dhinaca dhaqanka iyo diintaba waxyeelo ku ah,inkasta oo aanu warbaahinta la hadal.

mana ahaa markii ugu horeysay ee bandhig faneed ay sidan oo kale u soo bandhigeysaya laga hor istaagay, hase ahaate todobaadkii hore uunbay aheyd markii ay culimada magaalada garoowe ay ka joojiyeen bandhig faneedkaa iyaga oo ku eedeeyay, fanaanadan inay waday arimo dhaqan xumo ah oo diinta lidi ku ah.

wixiii warar ee ka soo kordhana waxaanu idiinku soo gudbin doona wararkayaga danbe

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
Latest News