Hangoolnews.com
War Deg Deg Ah:–Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo Oo Safar Kaga Jarmaaday Magaalada Hargeysa.
August 13, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Wafti uu hogaaminaayo ayaa goor dhawayd ka ambabaxay magaalada Hargeysa.

Siilanyo

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal iyada oo la filaayo in madaxwayne Siilaanyo uu xadhiga ka jaro mashaariic dhinaca wadooyinka ah oo xukumadu ka fulisay Gobolka Awdal iyo sidoo kale Waddada isku xidha magaalooyinka Kalabaydh iyo Dilla,

halkaasi oo la filaayo in uu maanta madaxwaynuhu xadhiga ka jaro wado 18Km ah oo xukumadu ay ka maal galisay mashruuca horumarinta ee loo yaqaan SDF,

Safarka ayaa waxa ku wehelinaaya xubno ka mid ah golaha wasiirada oo u badan msauuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News