Hangoolnews.com
Nin Ka Badbaaday Diyaaradii Emirates Ee Burburtay Oo Helay 1 Million  Oo Dollar+Sababat
August 13, 2016 - Written by Hangool

Waxa uu ka badbaaday burburkii diyaarada Dubai Air, lix maalin kadibna waxa uu ku guuleeystay 1 Million oo Dollar.

Mohammad Basheer Abdul Khadar, waxa uu kamid ahaa rakaabkii saarnaa Diyaarada Dubai Air nuuceeduna yahay EK521, taasoo maalmo kahor burburtay.

Kani ma yahay ninka aduunka ugu nasiibka badan? waxa uu ka badbaaday burburkii diyaarada Dubai Air, lix maalin kadibna waxa uu ku guuleeystay 1 Million oo Dollar.

Mohammad Basheer Abdul Khadar, waxa uu kamid ahaa rakaabkii saarnaa Diyaarada Dubai Air nuuceeduna yahay EK521, taasoo maalmo kahor burburtay.

36D5C7BD00000578-0-image-a-1_1470821227871Waxa uu ka dagtay Diyaarada kahor intii uusan ka kicin dab xoogan, kaasoo gabi ahaanba burburiyay Diyaarada, waxaana 6 maalimood  kadib 62-jirkaan uu ku guuleeystay baqtiyaanasiibka Lottery-ga oo dhan 1 Million Dollar.

Mohammad Basheer Abdul Khadar, ayaa ka shaqeeynayay shirkad gawaadhida iibisa oo Dubai ka diiwaan gashan, waxaana fasax uu helay uu u safray magaalada Kerala ee dalka India, si uu usoo booqdo qoyskiisa oo halkaas ku nool, waxaana markii uu Dubai kusoo laabtay dab ka kacay Diyaaradii uu saarnaa, nasiib wanaag rakaabkii uu kamid ahaa oo ay ku jireen 24 u dhalatay Ingiriiska, 6 Ameerikaan ah, ayaa dhamaantood laga soo saaray Diyaarada kahor intii aysan qarxin.

“Waan ogahay Ilaaheey ayaa i badbaadiyay iyo waqtigeyga oo wali wax ka dhinaay, ilaaheey ayaan u mahad celinayaa in badan” ayuu yidhi Khadar.

36D55F3000000578-0-image-a-5_1470821425724

COMMENTS
Latest News