Hangoolnews.com
Jose Mourinho Oo Ku Dhaartay Inuu Guulo Gaadhsiin Doono Man United Isagoo Raacaya Wadadii Sir Alex Ferguson.
August 13, 2016 - Written by Hangool

Sports:–Tababare Jose Mourinho ayaa habeenkii xalay ahaa balan qaaday inuu Manchester United guulo ku samatabixin doono, balse wuxuu diiday inuu balan qaadoo qaab ciyaareedka wanaagsan mar walba.

Macalinka reer Portugal ayaa soo jeediyay in falsafadda ay Manchester Untied ugu guuleysan karto qaab ciyaareedka ay tahay wax khuraafaad ah isagoo shaaca ka qaaday in xitaa Sir Alex Ferguson uu cadaadis saari jiray dhibcaha ka hor madadaalada.

Jose Mourinho oo lagu tiriyo macalimiinta guulaha la saaxiibka ah ayaa laga sugayaa inuu bogsiiyo xanuunadii ay Jamaahiirta Red Devils ka dhaxleen David Moyes iyo Louis Van Gaal, wuxuuse u sharaxay falsafadiisa uu doonayo inuu guulo ku gaarsiiyo.

Jose and SAF

“Waxaan kusoo koray kubadda cagta anigoo tababare ah tan iyo 2001 wax badan iyo wax yar, gaar ahaan marka aan imid England 2004, waxaan arkay Man United iney tahay koox guul, aysan aheyn koox mar walba weerar ah” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Waan la ciyaaray wax badan Manchester United, Red Devils waa koox difaaceed. Markii ay ciyaarayeen Real Madrid vs Manchester United kulan ka dhacay Madrid. waxey kubadaha kasoo karooseen khadka dhexe laba jeer, Wayne Rooney wuxuu ciyaarayay dhinaca bidix si uu u difaaco daafaca midig”

“Waxaan arkay iney tahay mar walba koox guul, leh falsafad weerar ku dhisan, balse kooxda guuleysata waxey u baahan tahay iney dhaliso goolal ka badan inta laga dhaliyay”

Si kastaba Jose Mourinho ayaa u sharaxay Jamaahiirta Manchester United inuu kaliya ku xisaabtami doono guulaha kooxda balse uusan ku xisaabtami doonin madadaalo iyo in kooxdiisu ay weerar ahaato 90-ka daqiiqo.

“Waxaan dooneynaa inaan guuleysano kulamada, ku guuleysano tartamada, si aad u guuleysato kulamada go’doonka waa inaad ciyaarto kubad xun, balse si aad ugu guuleysato tartanka waxaad u baahan tahay inaad u ciyaarto si wanaagsan. Taasina waa waxa aan u baahanahay”

COMMENTS
Latest News