Hangoolnews.com
Bulshada Oo Ka Soo Horjeesatay In Wada Hadalka Khaatumo Lagu Qabto Meel Ka Baxsan Somaliland
August 13, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:—- Dhowaan waxa magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar  kulan ku yeeshay koox odayaal iyo siyaasiyiin  ka tirsan kooxda Khaatumo ee uu hormoodka u yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirrada xukuumadda Somaliland, kuwaas oo  kulankoodu ahaa mid gogol xaadh u ahaa kulamo   dambe oo ay labada dhinac mustaqbalka yeelan doonaan, isla markaana ay kaga wada hadli doonaan sidii looga heshiin lahaa wax kasta oo la isku khilaafsan yahay, gaar  waxyaabaha ay tanayaan kooxda khaatumo ee keenay khilaafka iyo is faham la’aanta u dhaxaysa labada dhinac.

Waxa kale oo kulamadaas lagaga wada xaajoon doonaa sidii  looga wada shaqayn lahaa nabadgelyada, horumarka, iyo midnimada ummada reer Somaliland. Iyada oo sida la rumaysan yahay kulankan gogol xaadhka ah ee ka dhacay magaalada Caynaba iyo kuwa dambe ee loo balansan yahayba ay qayb ka yihiin kulamo iyo wada hadalo  xidhiidh ah oo beryahan dambe u socdey xukuumada Somaliland iyo bulshada ku dhaqan gobolada bariga Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool oo si milgo iyo walaaltinimo leh  u ajiibtay gogoshii nabadeed ee uu hore ugu fidiyey Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Siilaanyo, kuwaas oo kulankii ugu dambeeyey ahaa kii lagu qabtay magaalada Awr Boogays dhawr todobaad ka hor, ee ay ku wada hadlayeen xukuumada iyo beel ka tirsan beelaha deegaanada gobolka Sool.

Ilaahay Quraanka waxuu inoogu sheegay aayad hadii laba qof ama wax ka badan ee ummadda islaamku khilaaf dhexdooda yimaado “heshiisiiya dhexdooda”, sidoo kale, odhaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Aan ada Hadallo, waa an Heshiino”, taasoo ah dhaqan soomaalidu caado u lahaan jirtay inay ku xaliyaan khilaafaad kastoo dhexdooda yimaada ku, waana dhaqan la jaanqaadayey fahamkii diinta islaamka.

Haddaba, inkastoo hore loogu soo guulaystay gogol nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafyo beelaha Barrigu u sheegan jireen heshiisyo kala duwana laga gaadhay, waxa xilligan bilow ah gogol nabadeed oo kooxda Khaatumo xukuumada Somaliland ballanqaaday inay la yeelanayso, si loo baajiyo dhibaato shacabka deegaamadaasi dib u gaadha, bulshada Somaliland wadajir u gaadho horumarka ay hiigsanayso.

Waxa, haddaba mudadii ka dambaysay kulankii  magaalada Caynabo ku dhexmaray Wasiirada Somaliland iyo xubnaha ka socday kooxda Khaatumo soo baxayey warar sheegaya in kulamada dambe ay ku wada hadli doonaan xukuumada Somaliland iyo kooxda Khaatumo ee uu hogaamiyo Prof. Galaydh ay ka dhici doonaan magaalada Adis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya.

Run ahaantiina inkasta oo aanu labada dhinac midkoodna si rasmi ah u xaqiijin goobta ay ku wada hadli doonaan halkay tahay, haddana hadal haynta iyo wararka ugu badan ee todobaadkan la isla dhex marayay waxay sheegayaan in wada-hadaladaas loo qorsheeyey in ay ka dhacaan magaalada Adis ababa.

Hase ahaatee sheekadaasi run iyo been midkay doontaba ha ahaatee waxaa si xoog leh uga biyo diiday bulsho weynta Somaliland inteeda badan, taasoo ku tilmaantay wax aan la aqbali karin in xukuumada iyo kooxda Khaatumo ku wada hadlaan meel ka baxsan gudaha wadanka Somaliland, isla mar ahaanta dadka sidan aaminsani waxa ay ku doodeen in hadii wada hadalkaas lagu qabto wadan kale oo shisheeye ah ay taasi dhaawac iyo sumcad xumo weyn oo siyaasadeed ku noqon doonto dawladnimada Somaliland, halka ay kooxda Cali Khaliif uga noqon doonto guul weyn  iyo aqoonsi  siyaasi ah oo ay heleen, noqona doonto mid khilaafsan kana duwan qaabkii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Umada reer Somaliland weligeedba ku wada hadli jirtey

Waxaan ku soo xidhayaa, wada xaajoodka kooxda Khaatumo iyo xukuumada Somaliland oon Ilaahay ka rajaynayo, weydiisanayno inuu guul ku dhamaado wuu ka weyn yahay gogol laba ama koox faqda, oo lala hulaabto, kamana duwana kii Awr-boogays, boqolaalkii hore uga soo dhacay dalka ama kii ugu muhiimsanaa ee ku dhawaaqista Somaliland oo dhamaantood gudaha dalka lagu qabtay, laguna guulaystay

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com,

Hargeysa Somaliland

 

COMMENTS
Latest News