Hangoolnews.com
Mid Ka Mid Ah Laacibiinta Ugu Caansan Xulka Qaranka Kubada Cagta Turkiga Oo La Amray In La Soo Xidho Ka Dib Markii La Ogaaday In Uu Ku Lug Lahaa Afgabigii Dhicisiibay Ee Turkiga.
August 12, 2016 - Written by Hangool

Sports:–Dacwad oogayaasha Turkiga ee baaraya afganbigii dhicisoobay ee bishii Luuliyo ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caasan wadanka, xiddigii hore ee Turkiga Hakan Sukur sida ay sheegayaan warbaahinta maxaliga ah.

Turki

Waxaa la baaray labo guri oo uu ku lahaa galbeedka Turkiga, iyadoo saraakiisha ay sheegayaan inuu wajahayo eedeymo la xiriira inuu xubin ka yahay “urur argagixiso oo hubeysan.”

Hakan Sukur oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa xisbiga talada haya ee AK ayaa lagu yaqaanaa inuu si weyn u taageero wadaadka lagu eedeeyay afganbigii dhicisoobay.

Hakan Sukur ayaa u guuray dalka Mareykanka dhowr bilood ka hor.

Boga Twitter iyo website-ka Hakan Sukur lama booqon karo maanta oo jimce ah, si katsaba waxa uu hada ka hor taageere u muujiyay wadaadka Fethullah Gulen.

Hakan Sukur ayaa u ciyaaray xulka Turkiga 112 kulan isagoo u dhaliyay 51 gool. Waxa uu kooxda Galatasaray ku biiray sannadii 1992, waxaana uu qeyb ka ahaa kooxdoodii ku guuleysatay Uefa Cup sannadii 2000.

Waxa uu waqti ku qaatay Torino sannadii 1995 waxaana uu ka dib u soo ciyaaray kooxaha Inter Milan, Parma iyo Blackburn Rovers. Waa xiddiga heysta rikoorka goolkii ugu dhakhsiyaha badnaa ee abid laga dhaliyo Koob Adduun isagoo shabaqa soo taabtay 11 ilbiriqsi markii ay ciyaarta socotay kulankii ay la ciyaarayeen South Korea sannadii 2002.

Waxa uu ciyaaraha ka fariistay sannadii 2007, waxaana uu noqday xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee AK Party muddo laga sannadood ah oo ka bilaabatay sannadii 2011.

COMMENTS
Latest News