Hangoolnews.com
Jilaaga Aflaamta Ee Reer Hindiya Shah’Rukh’Khan Oo Lagu Xidhay Dalka Maraykanka Iyo Sababta Ka Danbaysay Xadhigiisa.
August 12, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Jilaaga Caanka ah filimaanta ee Reer Hindiya ee Shaah Rukhaan ayaa waxa ciidanka amaanka dalka maraykanku ay u taxaabeen Xabsiga,

Jilaagan ku caanka baxay aflaanta Hindiga ah ayaa waxa si wayn looga yaqaanaa aduunka,

Shahrukh-Khan-in-2016

2012 Khan waxaa 90 daqiiqo lagu xiray garoonka White Plains oo u dhaw magaalada New York. Waxaa la sii diidaayay markii ay dhexgashay safaaradda Hindiya.

Khan oo Jamcihii u duulay Los Angeles ayaa Tweeterka ku soo qoray in uu fahmansan yahay ixtiraamayana sida ammaanka caalamku yahay haddana uu ka xunyahay in markaste la xiro.

Xidiggan aflaanta Hindiya Shah Rukh Khan ayaa sheegay in uu ka xunyahay in saraakiisha garoonka caalamiha ah ee Los Angeles ee dalaka Maraykanku ay “xireen”.

Waaxda socdaalka ee dalka Maraykanku kamaysan hadlin arrintan. laakiin Nisha Biswal oo ah kaaliyaha arrimaha dibadda ee Maraykan u qaabilsan Koonfurka iyo bartmaha Aasiya ayaa sheegtay in ay ka xuntahay waxa ku dhacay ayna rrintaas oo kale la kulmaan xataa dublamaasiyiinta Maraykanku.

Hangoolnews.com

london/office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News