Hangoolnews.com
Halkan Hoose Ka Eeg Ujeedka Dahsoon Ee Madaxwayne Xassan Sheekh U Tagay Magaalada Jig Jiga Oo La Ogaaday.
August 12, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:–Safarka Madaxwaynaha Somaliya uu ku tagay Magaalada Jig jiga ee xarunta ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa waxa dad way kala duwan ay ku tilmaameen safar hoos u dhac ku keenaya siyaasada Somaliyab ee xiligan maadaama uu booqday ismaamul deegaan,

jig

Balse waxa soo baxaya haatan war kaas ka duwan kaasi oo sheegaya in ujeedada safarka Xasan sheekh uu yahay sidii uu magaalada Jig Jiga ugula kulmi lahaa Saraakiil ka tirsan Dawlad dhexe ee Itoobiya kuwaasi oo ay wada qorshaynayaan sidii ay ka hor doorashooyinka Somaliya ee dhawaan la filayo in ay ka dhacaan dalka.

Ka hor uga samayn lahaayeen hawl galo ay meelaha ay ku xoogan yihiin Alshabaab uga sifayn lahaayeen,iyada oo qorshahan uu Xasan sheekh u tagay Jig jiga ay hore uga cago jiideen Ciidanka Amisom iyo ciidanka Itoobiya.

Waxanay taasi ugu danbayn keentay in uu Madaxwaynaha Somaliya Wada xaajoog u tago magaalada jig jiga si uu ula kulmo Saraakiil ka ritsan ciidanka Itoobiya.

Arintani ayaa kusoo beegmaysa ay hore dawlada Itoobiya u diiday inay qabato Xilka Jagada Taliska ciidanka Amisom ee ka hawl gala Somaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh isaga laftiisu waxa uu dadaal ugu jiraa olale ku saabsan sidii marlabaad loogu soo dooran lahaa xilka jagada Madaxtinimo ee dalka Somaliya.

Hangoolnews.com

Muqdishso/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News